Weeraryahanka Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa daboolka ka qaaday sirta ka dambaysa horumarka ay kooxdiisu samaynaysay usbuucyadii ka dambeeyey tan iyo markii uu tababare Xavi Hernandez ku dhawaaqay inuu ka tegayo shaqada dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Barcelona ayaa waxa ay xalay hoygeeda kusoo garaacday Atletico Madrid oo ay 3-0 ku karbaashtay, iyadoo kooxda tababare Diego Simeone ay u dhacday kaalinta shanaad ee horyaalka LaLiga.
Rikoodh ayay noqotay guushii ay Barcelona Axaddii kasoo gaadhay Atletico Madrid sababtoo ah waxa ay noqotay kooxdii koowaad ee Atletico kaga badisa garoonka Metropolitano kulan ka tirsan horyaalka LaLiga tan iyo January 2023.
Saddexda gool ee Barcelona ayaa waxa qaybsaday Joao Felix, Robert Lewandowski iyo Fermin Lopez, waxaana weeraryahanka reer Poland oo la hadlay warbaahinta DAZN uu ka sheekeeyey sirta ka dambaysa bandhiggooda iyo guulahooda.
“Waxay ila tahay, in labadii, saddexdii, ama afartii usbuuc ee ugu dambeeyey aanu beddelnay tababarkayaga, waxa aanu ka dhignay mid adag. Jidh ahaanna, hadda waxa aanu dareemaynaa in aanu wanaagsannahay.” Ayuu yidhi Robert Lewandowski.
Isbeddelka tababarka ee ay sameeyeen ayuu Robert Lewandowski xusay inuu yahay midka keenay in aan dhinacooda la dhigin toban ciyaarood oo xidhiidh ah oo ay toddoba badiyeen saddexna barbarro galeen.
Barelona ayaa sidoo kale, 400 daqiiqadood oo ay dheeshay aan wax goolal ah laga dhalinin oo shabaqooda nadiif ka dhigay.