Daaficii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa ku adkeystay in xiddiga Liverpool, Mohamed Salah, uusan ahayn ciyaaryahankii ugu fiicnaa abid ee ka dheela Premier League.
Salah ayaa xilli-ciyaareed cajiib ah la qaadanaya Reds, isagoo durba dhaliyay 25 gool isla markaana 16 kale caawiyey, kaliya 27 kulan oo uu saftay.
Xiddiga reer Masar oo 32 jir ah ayaa markale shabaqa soo taabtay kulankii ay Liverpool Axaddii guusha ka gaartay Manchester City, taasoo Reds u sahashay inay 11 dhibcood ka sare marto Arsenal oo kaalinta labaad fadhida.
Salah wuxuu haatan saddex gool iyo Hal caawin kaliya ka hooseeyaa rikoorka Erling Haaland ee ahaa 44 gool-abuur hal xilli-ciyaareed gudihiis.
Qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ayaa sababay dood ay taageerayaashu ka yeesheen in Salah yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee abid ka dheela horyaalka Ingiriiska.
Markii la weydiiyay inuu aragtidiisa ka dhiibto dooddaas, Ferdinand wuxuu soo doortay labo weeraryahan oo uu ka doorbiday Salah.
“Wax fursad ah ma siin karo,” ayuu yiri isagoo la hadlayay TNT Sport.
“Waxaa igala fiican (Thierry) Henry iyo (Cristiano) Ronaldo.”