Halyeeyga Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa shaaciyey saddexda khad dhexe ee ugu weyn abid ee Premier League soo mara, isagoo ka saaray liiskiisa Kevin De Bruyne iyo Frank Lampard.
Ferdinand wuxuu sheegay in De Bruyne uusan ka sarreyn Steven Gerrard “maalin kasta oo toddobaadka ah.”
Isagoo ka hadlayay barnaamijkiisa YouTube-ga ee Rio Ferdinand Presents, daaficii hore ee xulka England wuxuu doortay Gerrard, Paul Scholes, iyo Roy Keane inay yihiin seddexda khad dhexe ee ugu sarreeya taariikhda Premier League.
“De Bruyne ma aha mid ka fiican Gerrard, maalin kasta oo toddobaadka ah, wuu ka hooseeyaa,” ayuu Ferdinand yiri. “Waan ka xumahay, laakiin ma aha.”
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan haystaa Vieira, De Bruyne, Lampard, Keane, Gerrard, Scholes — kuwaas ayaa ah Mount Rushmore-kayga, waa kuwii ugu qaalisanaa ee khadka dhexe.”
“Waxaan dhihi doonaa Vieira, Lampard, iyo De Bruyne waa kuwa si dirqi ah uga haray liiska.”
Dhanka kale, De Bruyne ayaa la filayaa inuu ka tago Manchester City kadib toban sano oo uu joogay Etihad, halka Lampard uu horey uga fariistay kubadda cagta.