Halyeeyga Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa talo siiyay xiddiga da’da yar ee Alejandro Garnacho inuu ka fiirsado ka tegista Old Trafford, haddii taasi ay fududeyn karto imaanshaha Victor Osimhen oo ka imanaya Napoli.
Manchester United ayaa si weyn loogu xantaa inay doonayso inay la soo wareegto weeraryahan heer sare ah inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee xagaaga. Waxaa si gaar ah loo sheegayaa inay si dhab ah u daneynayaan Osimhen, oo haatan amaah ugu ciyaaraya Galatasaray isagoo ka tirsan Napoli.
Napoli ayaa xiiso u qabtay Garnacho bishii Janaayo, balse dalabkoodii waxaa iska diiday Manchester United.
Ferdinand oo ka hadlayay barnaamijkiisa podcast-ka ayaa sheegay in tani ay noqon karto fursad wanaagsan oo Garnacho ku tago Napoli, taasoo dhabbaha u xaari karta in Osimhen uu yimaado Manchester United.
Wuxuu yiri:
“Waxaan jeclaan lahaa inuu Garnacho ka ciyaaro garabka bidix ee Napoli, iyadoo Osimhen uu u wareegayo dhanka kale.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Haddii aanu haysan lahayn tababare sida Ruben Amorim oo aan ciyaarin garab dhaqameedyo, maba ka fikirteen iibinta Garnacho. Waan jeclahay. Waan qaddariyaa.”
“Laakiin haddii aan ahaan lahaa Manchester United, Victor Osimhen waa inuu yimaadaa xilli ciyaareedka dambe. Waa inaan suurtagal ka dhigo. Haddii aan Garnacho talo siin lahaa, waxaan dhihi lahaa: tag Napoli.”
Waxaa muuqata in Ferdinand uu si cad u muujinayo sida uu muhiim ugu arko Osimhen inuu noqdo weeraryahanka xiga ee Red Devils, xitaa haddii taasi ku kacdo in ay kooxdu ka tanaasusho mid ka mid ah xiddigaheeda mustaqbalka.