Darwin Nunez ayaa rikoodh galay taariikhda Premier League loo diiwaangeliyey ciyaartii ay kooxdiisu xalay 4-1 ku xasuuqday Chelsea oo marti ugu ahayd garoonka Anfield, taas oo uu laacibkani bandhig fiican ka sameeyey inkasta oo uu khasaariyey rikoodhe.
Weeraryahanka reer Uruguay ayaa sameeyey caawintiisii 11aad ee xilli-ciyaareedkan, isaga oo dhamaadkii kubbad goolka u hordhigay Luis Diaz oo isaguna dhamaystiray.
Waxa uu sidoo kale dhaliyey 11 gool, isagoo haddana lagu tilmaamayo in aanu ku fiicnayn dhamaystirka kubbadaha oo uu xalayna khasaariyey rikoodhe, balse kooxdiisa ka caawiyey inay si fudud u garaacdo Chelsea.
Nunez oo xagaagii 2022 ay Liverpool £85 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Benfica, ayay nasiib-darro ku dhacday oo aan isku qorin diiwaanka goolasha kulankii Chelsea, waxaana rikoodhe loo dhigay Diogo Jota oo uu lugta kaga istaagay Benoit Badashile lagu maamuusay inuu gool u beddelo Dawn Nunez oo dhinaca qaldan u diray goolhayaha balse kubaddu kaga dhacday birta.
Nunez ayaa goolkan uu khasaariyey ku galay taariikhda Premier League, waxaana uu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee Premier League ee afar jeer birta garaaca tan iyo xilli-ciyaareedkii 2003/04.
Ciyaartoyga kale kusoo xiga waa Cristiano Ronaldo oo saddex jeer birta garaacay kulankii Newcastle United ee October 2006 ee ay Man United guusha ka gaadhay, halka halyeygii Boldon iyo Nigeria ee Jay-Jay Okocha uu isaguna birta garaacay saddex jeer November 2003 oo ay Bolton la dheeshay Tottenham.
Leandro Trossard iyo Timo Werner ayaa iyaguna ka mid ah ciyaartoyda mararka badan biraha garaacay, laakiin Nunez ayaa hadda ugu dambayntii loo diiwaangeliyey rikoodh ka badan ciyaartoyda kale oo ah inuu afar jeer birta garaacay.
Nasiib-darran ku socota Nunez ee kubbadaha uu goolhayaha dhaafiyo ay birta kaga dhacayaan amaba ay goolka dhinac-marayaan ayaa soo socotay xilli-ciyaareedkan oo dhan, isaga oo 9 jeer birta garaacay xilli-ciyaareedkan socda, waxaana uu saddex jeer ka badan yahay ciyaartoyda kaalinta labaad ku jira oo ah Trent Alexander-Arnold, Anthony Gordon iyo Dominik Solanke.