Ciyaar kale oo weerar fantastik ah ayay kooxda Mikel Arteta soo bandhigeen iyagoo haatan dhaliyay 31 gool todoba kulan oo isku xigta oo ay badiyeen horyaalka sannadkan 2024.
Waxyaabo badan oo wanaagsan aya Arsenal sameysay kulankii caawa iyagoo badiyya kulankii afaraad oo isku xiga oo ay marti yihiin horyaalka.
RIKOODH: Waxay noqdeen kooxdii ugu horeysay Premier League ee ku badisa shan gool ama ka badan seddex kulan oo isku xigta oo ay marti yihiin.
RIKOODH: Arsenal ayaa barbareysay rikoodhka goolasha ugu badan ee hal koox ay dhaliso qeybta hore ee ciyaar Premier League ah.
RIKOODH: Arsenal ayaa kulankii caawa gaartay markii ugu horeysay abid taariikhdeeda 10 kun goolal oo ay haatan kor u dhaafeen.
Kooxda Mikel Arteta ayaa ku jirta jawi aad u fiican iyagoo goolasha u dhalinaya si baashaal ah, waxayna haatan aad uga sareeyaan dhanka farqiga goolasha labada kooxood ee ay horyaalka kula tartamayaan ee Manchester City iyo Liverpool.
XIDDIGA GAROONKA – MARTIN ODEGAARD (ARSENAL)
Kabtanka Gunners ayaa udub dhexaad u ah guusha kooxda isagoo maamulayay dhaqdhaqaaqa kooxda iyo weerrakeeda. Xiddiga reer Norway ayaa dhaliyay goolka furitaanka ee ciyaarta, laakiin isku xirkiisa iyo baasaskiisa ayaa sidoo kale sababay goolashii ay Gunners ku xasuuqday Sheffield United.
QIIMEYNTA CIYAARTOYDA
SHEFF UTD: Grbic 6, Bogle 4, Ahmedhodzic 4, Trusty 4, Robinson 5, Norwood 4, Souza 5, Hamer 5, Davies 4, McBurnie 4, McAtee 4.
Bedel: Osborn 5, Baldock 5, Osula 5, Brooks 5, Arblaster 5.
ARSENAL: Raya 7, White 8, Saliba 7, Gabriel 7, Kiwior 8, Odegaard 9*, Jorginho 8, Rice 8, Saka 8, Havertz 8, Martinelli 8.
Bedel: Vieira 6, Partey 6, Jesus 6, Cedric 6, Trossard 6.