Pep Guardiola guushiisa waxay sabab u noqtay in taageerayaasha City ay si farxad leh kaga falceliyaan qandaraaska cusub ee uu kusii joogi doona kooxda ilaa 2026.
Qandaraas kordhinta Guardiola ee Manchester City ayaa la macno ah inuu noqon doono tababarihii afaraad ee ugu waqtiga dheer taariikhda Premier League.
Bal xusuuso wareysi uu siiyay Sky Sports bishii March 2016, Sir Alex Ferguson ayaa saadaaliyay in tababaraha la qurxiyay sida uu warka u dhigay uusan awoodi doonin inuu guulo la gaaro Manchester City si lamid ah waqtigiisii Barcelona ka dib markii la xaqiijiyay magacaabistiisa.
Ferguson ayaa markii hore yiri: “Su’aal la’aan, Pep Guardiola waxa uu leeyahay shaqo fantastik ah oo aad uqurux badan.
Laakiin tababaraha Scotland wuxuu intaas ku daray: “tababar kasta oo ajnabi ah oo England yimaada, wuxuu ka sheekeyn doonaa. Fergusen, Arsene Wenger ama xitaa Jose Mourinho.
“Pep wuxuu noqon doonaa mid guuleysta, laakiin uma maleynayo inuu sameyn doono wax lamid ah wixii uu ka sameeyay Barcelona.
Dhanka guulaha Pep Guardiola ayaa si raaxo leh uga soo gudbay waqtigiisii tababare ee Manchester City, isagoo haatan lagu tilmaamo macalinkii ugu taatikada fiicnaa ee abid ka shaqeeyay Premier League.
Guradiola intaan oo guulo ah wuxuu rabay inuu ka sameeyo Man Utd, isagoo isha ku hayay inuu noqdo bedelkii Sir Alex Ferguson 2016, balse tababaraha halyeyga ah ee Scotland ayaa arintaas ka hor istaagay maamulka, wuxuuna kula taliyay in bedelkiisa la magcaabo David Moyes.