Reece James ayaa diyaar u noqon doona markii ugu horaysay xilli ciyaareedkan Chelsea kulanka ay la ciyaari doonto Liverpool habeenka axada.
Tababare Enzo Maresca ayaa sheegay in kabtanka kooxda aanu awoodi doonin in uu ciyaaro wax ka badan hal kulan todobaadkii sabab la xiriirta dhaawaciisa xiriirka ah.
24-sano jirkaan ayaan u ciyaarin Chelsea tan xilli ciyaareedkii hore ka dib markii uu soo gaaray dhaawac muruqa ah oo uu muddo dheer la maqnaa.
Iyadoo daafacyada Marc Cucurella iyo Wesley Fofana ay labaduba ganaax ku seegayaan safarka Anfield, soo laabashada James ayaa ku soo aaday waqti ku haboon sida ay aaminsan yihiin jamaahiirta Bules.
Waa diyaar, ugu dambeyntii wuu soo laabtay,” ayuu yiri macalinka Blues Maresca oo ka hadlaayay xaalka James “wuxuu nagala shaqeeyay tababarka intii lagu maqnaa fasaxa caalamiga ah. waa war wanaagsan oo kooxda usoo yeeray soo laabashadiisa.
“Way adag tahay markaad dhaawacyo xiriir ah wajahdo inaad kulamo badan ciyaarto, wuxuu usoo laabanaa si tartiib ah.ma ciyaari karo wax ka badan hal kulan isbuucii” ayuu hadalkiisa raaciyay Maresca.