Maamulka cusub ee Manchester United ayaa waxa ay doonayaan in ay Old Trafford keenaan laacibka reer England ee Ross Barkley oo ah 30 jir u dheela Luton Town. (Sun)
Real Madrid waxay bilowday inay daraasayso sida ay kooxdeeda ugu soo celin karayso difaaca reer France ee Raphael Varane oo 30 jir ah iyo khadka dhexe ee Brazil ee Casemiro oo 32 jir ah, kuwaas oo ay hore uga iibisay Manchester United. (Fichajes)
Madaxweynaha horyaalka LaLiga ee Javier Tebas waxa uu sheegay, in fursadda Real Madrid ay kula saxeexanayso Kylian Mbappe ay hadda marayso 99%, isla markaana uu 25 jirka reer France ku biiri doono Los Blancos xagaaga. (L’Equipe)
Manchester City waxay go’aamisay qiimaha ay ku iibinayso Kevin de Bruyne oo ay ka dhigtay £100 milyan oo Gini. Kooxaha Sucuudiga ee doonaya laacibkan ayaa loo sheegay inay soo diyaarsadaan lacagtaas. (TalkSport)
Chelsea waxay wada-hadallo la yeelatay khadkeeda dhexe ee reer England ee Conor Gallagher bishii January si ay ugu qanciso heshiis cusub, laakiin illaa hadda laacibkan ayaan wax go’aan ah ka gaadhin mustaqbalkiisa, iyadoo ay si weyn u doonayso Tottenham. (Football Insider)
Liverpool ayaa kala xulanaysa labada tababare ee Ruben Amorim oo ah 39 jir layliya Sporting Lisbon iyo Julian Nagelsmann oo ah tababaraha xulka Germany oo 36 jir ah, si uu midkood u noqdo beddelka Jurgen Klopp kaddib markii la sheegay in Xabi Alonso uu sii joogayo Bayer Leverkusen. (Telegraph)
Bayern Munich waxay u bandhigtay Xabi Alonso in sannadkii uu mushahar u qaato £20 milyan oo Gini, isla markaana xagaaga yimaaddo Allianz Arena. (Mirror)
Agaasimaha ciyaaraha Barcelona ee Deco ayaa sheegay, in kooxdiisu ay doonayso inay sii haysato Frenkie de Jong oo 26 jir ah iyo difaaca reer Uruguay ee Ronald Araujo oo 4 jir ah, inkasta oo labadoodaba la sheegayo inay ka tegi doonaan xagaaga. (Goal)
Difaaca bidix ee AC Milan iyo xulka France ee Theo Hernandez oo 26 jir ah, ayaa waxa doonaysa AC Milan oo u aragta inuu yahay beddel fiican oo u buuxin doona booska Alphonso Davies oo lala xidhiidhinayo Real Madrid. (Sky Germany)
Heshiiska uu Alphonso Davies kula jiro Bayern Munich ayaa soconaya illaa sannadka 2025, waxaase la filayaa in uu dhamaadka xilli-ciyaareedkan ka tago Munich oo uu u wareego Real Madrid. (Mundo Deportivo)
Arsenal, Manchester United iyo Tottenham ayaa waxa ay ku tartamayaan khadka dhexe ee Fenerbahce ee Sebastian Szymanski, kaas oo sidoo kalena ay doonayaan AC Milan iyo Inter Milan. (Teamtalk)
Weeraryahanka Manchester United ee Mason Greenwood oo 22 jir ah, ayaa doonaya inuu sii joogo Getafe oo xagaagii amaah kaga soo qaadatay Red Devils. (Metro)
Difaaca reer Netherlands Denzel Dumfries oo 27 jir ah ayaa ogolaaday inuu wada-hadallo la bilaabo kooxdiisa Inter Milan oo uu diyaar u yahay inuu u kordhiyo qandaraaska uu kula jiro oo dhacaya. (Gazzetta dello Sport)