El Clasico-dii labaad ee xilli-ciyaareedkan ee Real Madrid iyo Barcelona ayay mar kale adduunyadu caawa goob-joog u noqonaysaa, waana ku-celiska finalkii sannadkii hore ee Spanish Super Cup ee ay Barcelona ku karbaashtay Real Madrid oo kale.
Waa fursad uu tababare Carlo Ancelotti u helayo inuu ka aargoosto Xavi Hernandez oo sannadkii hore waqtigan oo kale isla koobkan kaga qaaday isla magaalada Riyadh ee waddanka Sucuudiga, waxaana haddii uu awoodo inuu ka adkaado Barcelona ay noqon doontaa markii labaad ee xilli-ciyaareedkan uu ka badinayo kooxda tababare Xavi oo bishii November uu garoonkooda kusoo karbaashay.
Laba ciyaartoy ayaa si weyn indhaha loogu hayn doonaa caawa, waana difaaca reer Uruguay ee Ronald Araujo iyo Vinicius Junior oo la rumaysan yahay in midkooda ku adkaada loollanka dhaxmaraya uu libinta u dhoweyn doono kooxdiisa.
Xavi Hernandez ayaa u riixi doona Jules Kounde inuu ka garab ciyaaro Christensen, si Ronald Araujo uu uga dheelo difaaca midig ee uu ka maqan yahay Joao Cancelo, isla markaana uu u joojiyo Vinicius Junior oo ah khatarta ugu weyn ee ay waajihi doonto Barcelona.
Ciyaartii March 20, 2022 ee Real Madrid iyo Barcelona, Ronald Araujo, Gerard Pique, Eric Garcia iyo David Alaba ayaa difaaca uga ciayarayay Barcelona, waxaanay awood u yeesheen inay 4-0 ku garaacaan Real Madrid oo ay waliba ku booqdeen Santiago Bernabeu. Xavi ayaase kooxdiisa uu ka dhaawacnaa difaaca reer Uruguay ciyaartii October 2022, waxaana 3-1 ku adkaatay Real Madrid.
Saddex kulan oo Barcelona iyo Real Madrid ay iska hor yimaaddeen oo uu ciyaaray Ronald Araujo waxa guuleysatay Barcelona, kaddib markii uu xakameeyey Vinicius Junior, laakiin Los Blancos ayaa iyaduna awoodday inay laba jeer ka adkaato Barcelona iyadoo Vinicius uu helay xeelado uu kaga baxsado Araujo, balse kulamadaas ayaa uu qaarkood Araujo ka dheelayay difaaca dhexe.