Real Madrid Ayaa Eegaysa Florian Wirtz Iyo Nico Williams Inay Noqdaan Beddelka Vinicius Jr, Xilli Ay Jiraan Warar Sheegaya In Dalab €1bn Ah Uu Ka helayo Vini horyaalka Sacuudiga.
Sida laga soo xigtay SPORT, Vinicius wuxuu damacsan yahay inuu dalbado koror mushaar oo ka dhaca garoonka Bernabeu.
Xiddiga reer Brazil ayaa haatan kamid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan kooxda Los Blancos, isagoo la mid ah Kylian Mbappe iyo Jude Bellingham.
Vinicius wuxuu heshiis kula jiraa Real Madrid ilaa 2027, balse wuxuu doonayaa in loo kordhiyo ilaa 2029, taasoo uu ku beddelanayo mushaar sare.
Si kastaba ha ahaatee, ma cadda in madaxweyne Florentino Pérez uu aqbali doono dalabkiisa, inkasta oo uu doonayo in xiddigan uu sii joogo kooxda.
Inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in dalab €1 bilyan (£840m) ah uu ka yimid Sacuudiga, Real Madrid waxay diyaar u tahay inay ka fiirsato dalab ka badan €250m (£209m/$273m).
Haddii Vinicius uu cadaadis saaro kooxda LaLiga, waxaa la rumeysan yahay inay u weecan doonaan Wirtz ama Williams.
Wararku waxey intaa ku darayaan in Vini uu qorsheynayo inuu ugu yaraan hal sano ku qaato horyaalka sacuudiga si uu lacag badan uga sameeyo.waxaa la fahamsan yahay fikirka Vini in uu saameyn weyn ku yeelan karo kooxda waa haddii ay aqbalaan go’aan kiisa.