Real Madrid ayaa qandaraaska u kordhisay xidigeeda Dani Carvajal saacado uun kadib markii uu dhaawac halis ah kasoo gaaray jilibka.
Wax ka yar hal maalin ka dib markii Carvajal uu dhaawac ka soo gaaray seedaha hore kulankii Madrid ay 2-0 kaga badisay Villarreal, Los Blancos ayaa qandaraaska u kordhisay daafaca oo ay uga dhigtay ilaa 2026.
32-sano jirkaan ayaa lagu waday inuu qandaraaskiisa dhaco xagaaga soo aadan, sidaa darteed falkaan ayaa muujinaya sida aadka loogu qiimeeyo xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ee Madrid.
War saxaafadeed ay soo saartay kooxda Real Madrid ayaa lagu yidhi:
“Real Madrid CF waxa ay ku dhawaaqday in sidii uu qorshahu ahaa ay kula heshiisay Dani Carvajal in aanu u kordhino qandaraaska ciyaartoygayaga kaas oo kooxda sii joogi doona ilaa June 30,2026.
Sida Madrid tilmaamay, Carvajal waxa uu ku guuleystay 26 koob 427 kulan oo uu u saftay kooxda reer Spain tan iyo markii uu saftay kulankiisii ugu horeyay ee 2013.
Waxa uu door weyn ka ciyaaray waayihii guulaha waaweynaa ee Los Blancos, taas ayaana keentay inay u kordhiyaan sii joogistiisa.Carvajal oo ku soo biiray Madrid isagoo 10 jir ah sanadii 2002 ayaa xaqiijiyay inuu u baahan doono in qaliin lagu sameeyo, waxaana uu rajeynayaa inuu ku soo laabto “dhowr bilood”.