Real Madrid oo lagu cadaadinayo inay £66m ku qarashgareyso xiddig Arsenal kamid ah si ay u xalliyaan dhibaato muddo 10 sano ah soo jirtay.
Real Madrid ayaa lagu booriyay inay lacag badan ku bixiso William Saliba oo ka tirsan Arsenal si uu u noqdo daafacooda dhexe ee muddada dheer.
Kooxda horyaalka Spain ayaa durbaba wada hadallo kula jirta sidii ay u xoojin lahaayeen daafacooda bisha Janaayo maadaama Eder Militao iyo Dani Carvajal ay xilli ciyaareedkan oo dhan ka maqnaan doonaan Real.
Daaficii hore ee Manchester City, Aymeric Laporte, oo haatan u ciyaara kooxda Al-Nassr ee horyaalka Saudi Pro League, ayaa lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqo Madrid, isagoo muujiyay rabitaankiisa ah inuu dib ugu soo laabto Yurub.
Si kastaba ha ahaatee, agaasimihii hore ee ciyaaraha Athletic Bilbao, Rafael Alkorta, ayaa kula taliyay Real Madrid inay sugaan ilaa xagaaga dambe kahor inta aysan isku dayin inay la soo wareegaan Saliba, oo hadda loo arko mid ka mid ah daafacyada dhexe ee ugu wanaagsan Premier League-ga.
Wuxuu yiri: “Waxaa laga yaabaa inaad ku qarashgareyso €80 milyan (£66.5m) ciyaaryahan sida Saliba oo ku siinaya adeeg muddo 10 sano ah. Real Madrid marar dhif ah ayay ku khaldantaa arrimahaas.”