Real Madrid ayaa jabisay sharciga Champions League iyagoo baahiyay ku celiska dhacdo mugdi ku jirtay ka hor inta aysan VAR iyo garsoore Szymon Marciniak go’aan kama danbeys ah gaarin.
Intii ay socotay ciyaartii ay Real Madrid garaacday Bayern Munich, Los Blancos ayaa mooday inay barbareeyeen goolkii uu Alphonso Davies hogaanka ugu dhiibay Bayern Munich laakiin goolka waa la diiday.
Daafaca Bayern Munich Matthijs de Ligt ayaa shabaqa iska soo taabtay daqiiqadii 71aad. Si kastaba ku celiska ayaa muujiyay in xiddiga Real Madrid Nacho inuu kala tuuray Joshua Kimmich ka hor goolka.
Intii ay dabaaldegayeen ciyaartoyda Real, VAR ayaa dib u eegis ku sameysay goolka, waxayna ku amreen garsooraha inuu dhacdada ka daawado shaashada yar ee taala agagaarka garsooraha afaraad.
Laakiin intii uu garsoore Marciniak uu dib u eegayay muuqaalka, Real Madrid ayaa jabisay sharciga Champions League iyagoo ku celiska dhacdada ku baahiyay shaashadaha garoonka.
Ururka dejiya sharciga kubada cagta ee IFAB ayaa soo saaray bilowgii xilli ciyaareedkan inaan shaashada garoonka laga baahin karin ku celiska dhacdooyinka waa weyn iyadoo weil go’aan kama danbeys ah laga gaarayo. Waxay taasi u ogolaaneysaa in garsooraha uu go’aan kaligiis ah qaato halkii ay saameyn lahaayeen taageerayaasha ku celiska la daawanaya.
Kooxaha ayaa xor u ah inay ku celiska dhacdada baahiyaan marka go’aan kama danbeys ah uu garsooraha gaaro, laakiin lama ogola ka hor inta uusan go’aan gaarin in ku celiska laga baahiyo garoonka dhexdiisa.