Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku jirta xilli-ciyaareed wanaagsan oo ay u tixgelinayso inuu yahay mid guulo ah inkasta oo ay saddex weeraryahan oo kaliya ku haystaan safkooda. Waxa xaaladdan ay kooxdu ugu diyaar-garoobaysaa isbeddel badan oo dhacaya xagaaga, iyo jawi ka duwan kan hadda oo ay xilli-ciyaareedka dambe sugayaan.
Real Madrid ayaa waxa ay heshiis ka gaadhay weeraryahanka reer Brazil ee Rodrygo Goes oo la sheegay in aanu boos ka heli doonin kooxda haddii ay yimaaddaan Kylian Mbappe oo la filayo inuu xagaaga si xor ah ugu soo wareego Santiago Bernabeu iyo Endrick oo bisha July iman doona Los Blancos.
Rodrygo ayaa la sheegay in ay doonayaan kooxaha horyaalka Premier League ee Arsenal iyo Manchester United oo diyaar u ah inay bixiyaan €120 milyan oo Euro oo laacibkan lagu qiimeeyey, laakiin Real Madrid ayaa qaadatay go’aan ah in uu sii joogo Rodrygo oo ay u aragto mustaqbalkeeda.
Sida ay warbaahinta Spain qorayso, Real Madrid ma doonayso inay iibiso Rodrygo waxaana uu sii joogi doonaa Santiago Bernabeu, xataa haddii ay yimaaddaan Kylian Mbappe iyo Endrick.