Real Madrid oo lagu soo warramayo inay heshiis hordhac ah la gaartey xiddig iska diiday United iyo Barcelona.
Kooxda uu hoggaamiyo Carlo Ancelotti ayaa laga yaabaa inay suuqa gasho bisha Janaayo, kadib markii ay xilli ciyaareedkan ku bilaabeen si adag.
Madrid ayaa haatan lix dhibcood ka dambeysa hogaamiyeyaasha La Liga ee Barcelona, iyadoo soo gaartay guuldarro xanuun badan oo 4-0 ah oo ay kala kulmeen kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan, taariikhdu markay ahayd Oktoobar 26.
Los Blancos ayaa sidoo kale laba guuldarro kala kulantay Champions League, kadib markii Lille iyo AC Milan ay si lama filaan ah u garaaceen, taas oo keentay in ay haatan kaalinta 16aad ka yihiin 36 kooxood ee wareega guruubyada.
Madrid waxaa kaloo saameeyay dhaawacyo muddo dheer ah, iyadoo Dani Carvajal iyo Eder Militao ay garoomada ka maqnaan doonaan kadib markii ay soo gaareen dhaawacyo daran todobaadyadii lasoo dhaafay.
Mustaqbalka Ancelotti ayaa haatan u muuqda mid mugdi ku jira, iyadoo tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alonso lagu tilmaamay inuu noqon karo beddelka tababaraha Santiago Bernabeu xagaaga soo socda.
Si kastaba ha ahaatee, wararka ka imaanaya Football Espana ayaa sheegaya in Madrid ay qorsheyneyso inay heshiis horudhac ah kula saxiixato Alphonso Davies oo Bayern Munich ka tirsan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga jiilaalka.
Davies ayaa horey taariikh uga sameeyay caasimadda Spain, isagoo dhaliyay gool cajiib ah lugta midig kulankii semi-finalka Champions League ee 2023/24, ka hor inta aysan Madrid laba gool oo dambe dhallin si ay ugu gudbaan finalka.
24-jirkan ayaa heshiiskiisa Bayern Munich ku eg yahay xagaaga soo socda, mana u muuqato inuu heshiis cusub la galayo kooxda reer Jarmal sida ay tilmaamayaan warbixino kala duwan.
Haddii heshiis laga gaaro wadahadalka u dhaxeeya labada dhinac, Davies wuxuu si bilaash ah ugu biiri doonaa Madrid. Si kastaba ha ahaatee, wakiilka ciyaaryahanka, Nedal Huoseh, ayaa sheegay in wax heshiis ah weli aan la saxiixin.