Barcelona iyo Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan daafacii hore ee Manchester United, Alvaro Fernandez. Daafac dambeedkan ayaa xagaagii lagu iibiyay kaliya £5 milyan, wuxuuna tan iyo markii uu ku biiray Benfica soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah, taas oo soo jiidatay indhaha labada kooxood ee waa weyn ee reer Spain. Waxay noqon doontaa mid xiiso leh in la arko haddii ay go’aansadaan inay saxiixiisa raadiyaan bilaha soo socda.
Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday O Jogo, Manchester United waxay ku dartay heshiiska Fernandez qodob u oggolaanaya inay dib u iibsadaan daafaca. Laakiin wali lama oga haddii ay diyaar u yihiin inay fursaddaas ka faa’iidaystaan oo ay dib ugu soo celiyaan daafaca kooxda.
21-jirkan ayaa ah ciyaaryahan da’yar oo leh mustaqbal ifaya, waxaana uu noqon karaa saxiix faa’iido leh oo Manchester United ay ku xoojiso daafaceeda.
Xiisaha ay u qabaan Barcelona iyo Real Madrid ayaa muujinaya horumarka uu sameeyay tan iyo markii uu ka tagay Old Trafford. Weli wax hadal ah kamuusan soo saarin haddii uu diyaar u yahay inuu ku laabto United. Waxaa suurtagal ah inuu dalbado ballanqaad ah inuu boos joogto ah ka helin doono kooxa baadi goobka ugu jira inta uusan qaadan go’aan ku saabsan mustaqbalkiisa.
Manchester United ayaa haatan u baahan dambeed bidix oo dheeraad ah, maadaama ciyaartoyda sida Luke Shaw iyo Tyrell Malacia ay muddo dheer dhaawac kaga maqan yihiin garoomada. Fernandez ayaa heli lahaa fursado badan oo uu ku ciyaaro haddii uu joogi lahaa Old Trafford.
Fernandez waa ciyaaryahan da’yar oo leh karti sare, waxaana la filayaa inuu sii horumaro iyadoo uu helo tababar wanaagsan iyo waayo-aragnimo dheeraad ah. Waxa uu u baahan yahay koox siin karta fursad uu ku ciyaaro si joogto ah. Haddii Barcelona ama Real Madrid ay diyaar u yihiin inay fursaddaas siiyaan, ku biiristooda ayaa noqon doonta mid soo jiidasho leh. Waxaa la arki doonaa halka uu ugu dambeyn ku biiri doono.
Manchester United ayaa ka shallaayi doonta haddii uu ciyaaryahan kan noqdo xiddig mustaqbalka, isagoo matalaya koox kale.