Liverpool ayaa waxa ay u safartay magaalada London oo ay caawa marti ugu noqon doonto Fulham garoonka Craven Cottage, halkaas oo ay lugta labaad ee semi-finalka Carabao Cup ay ku kala calaf qaadi doonaan.
Ciyaartii hore ee ka dhacday Anfield, waxa 2-1 ku adkaatay Liverpool, waxaana midkooda soo gudba uu finalka oo ka dhacaya Wembley kula ballami doonaa Chelsea oo xalay iska xaadirisay markii ay 6-1 ku xasuuqday Middlesbrough.
Jurgen Klopp ayaa waxa kooxdiisa ka maqan dersin ciyaartooyo ah oo dhaawacyo u jiifa, halka Wataru Endo uu ku maqan yahay ciyaaraha Qaramada Asia, iyadoo Mohamed Salah uu kusoo dhaawacmay ciyaaraha Afrika oo lagu daawaynayo Ingiriiska oo uu dib ugu soo laabtay.
Waxa kale oo Liverpool ka maqan Trent Alexander-Arnold iyo Dominik Szoboszlai oo labadooduba aan taam u ahayn kulanka caawa ee Fulham, balse waxay diyaar u noqon doonaan ciyaarta Norwich City ee FA Cup ee Axadda, halka Kostas Tsimikas uu isaguna usoo dhow yahay inuu soo laabto balse ciyaarta caawa ay waqti hore ku noqotay.
Waxa kale oo Liverpool ka maqan Thiago Alcantara, Ben Doak, Stefan Bajcetic iyo Jeol Matip, kuwaas oo wadarta ciyaartoyda ka maqan Reds ka dhigaysa sagaal ciyaartoy.
Laakiin xiddiga ka farxiyey tababare Jurgen Klopp ee usoo laabtay ayaa ah difaaca bidix ee reer Scotland ee Andy Robertson oo kasoo kabtay dhaawac garabka kasoo gaadhay bishii October isaga oo u ciyaarayay waddankiisa, kaas oo sababay in qalliin lagu sameeyo.
Goolhayeyaal: Alisson Becker, Caoimhin Kelleher, Adrian.
Difaacyahanno: Andy Robertson, Conor Bradley, Ibrahima Konate, Jarell Quansah, Joe Gomez, Luke Chambers, Owen Beck, Virgil van Dijk.
Khadka Dhexe: Alexis Mac Allister, Bobby Clark, Curtis Jones, Harvey Elliott, Ryan Gravenberch.
Weeraryahanno: Cody Gakpo, Darwin Nunez, Diogo Jota, Kaide Gordon, Luis Diaz.