Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa safar ugu tegi doonta Bournemouth oo ay marti ugu noqonayso garoonka Vitality Stadium, iyadoo ay ka maqan yihiin Trent Alexander-Arnold iyo Dominik Szoboszlai oo aan qayb ka ahayn ciyaartan.
Labadan ciyaartoy oo ay dhaawacyo kasoo gaadheen kulamadii Newcastle United ee January 1 oo uu Szoboszlai ku dhaawacmay iyo Arsenal oo lix maalmood kaddib sannadka cusub uu ku dhaawacmay Alexander-Arnold ku dhaawacmay ayaan wali kusoo noqonin garoomada.
In kasta oo khadka dhexe ee reer Hungry ee Dominik Szoboszlai uu tababarka kusoo laabtay oo uu rajo fiican ka muujinayay inuu maanta kooxdiisa u raacayo safarka Xeebta Koonfurta England, haddana waxa laga reebay liiska maadaama aanu wali tababarka sidii loo baahnaa u qaadanin, balse waxa uu taam u noqon doonaa ciyaarta Arbacada ee League Cup ee lugta labaad ee semi-finalka Fulham.
Waxa kale oo Liverpool ka maqan Andy Robertson, Kostas Tsimikas, Stefan Bajcetic, Thiago Alcantara, Ben Doa iyo, Joel Matip oo dhamaantood dhaawacyo ah, halka Mohamed Salah iyo Wataru Endo ay iyaguna ku maqan yihiin xulalkooda.
Tababare Jurgen Klopp ayaa saxaafadda u sheegay in Andy Robertson iyo Kostas Tsimikas ay kusoo laaban doonaan tababarka buuxa usbuucan, isla markaana ay diyaar u noqon karayaan ciyaarta Norwich ama Chelsea.
Si kastaba, Stefan Bajcetic iyo Thiago Alcantara ayaa kasii maqnaan doona garoomada muddo bil ah, halka Matip uu illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka jiifayo.
Liiska xiddigaha Liverpool ee kulanka Bournemouth ee maanta
Goolhayeyaal: Adrian, Caoimhin Kelleher, Alisson Becker.
Difaacyahanno: Joe Gomez, Ibrahima Konate, Jarell Quansah, Virgil van Dijk, Conor Bradley
Khadka Dhexe: Harvey Elliott, Curtis Jones, Alexis Mac Allister, Ryan Gravenberch.
Weerarka: Cody Gakpo, Darwin Nunez, Diogo Jota, Luis Diaz.