Xiddiga Real Madrid, Vinicius Jr, ayaa loo magacaabay xiddiga bisha ee La Liga bishii November kaddib bandhig cajiib ah oo uu ku sameeyay dhowr kulan.
Kooxda Los Blancos ayaa bishan ciyaartay labo kulan oo horyaalka ah, maadaama ciyaartii ay la balansanaayeen Valencia dib loo dhigay sababo la xiriira fatahaado xooggan.
Labada kulan ee ay ciyaareen – midkii Osasuna iyo kii Leganes – Vinicius ayaa dhaliyay saddex gool, isagoo sidoo kale caawiye ka noqday hal gool kale.
24-jirkan ayaa bandhig cajiib ah sameeyay markii uu seddexley ka dhaliyay Osasuna, halka uu gool caawiyay kulankii ay ka guuleysteen Leganes, taas oo ka caawisay Real Madrid inay soo yarayso farqiga dhibcaha ee ay ku hayso hoggaanka Barcelona.
Bandhigyadiisa ayaa loo arkay inay ku filnaayeen in xiddiga heerka caalami ee Brazil uu ku guuleysto abaal-marinta xiddiga bisha La Liga ee November.
Xilli ciyaareedkan, Vinicius ayaa ilaa iyo haatan soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah, isagoo dhaliyay 12 gool, caawiyay na 8 gool 18 kulan oo uu u saftay Real tartamada oo dhan.
Hase yeeshee, xiddigan ayaa haatan dhaawac uga maqan Real Madrid, taas oo ka dhigan inuu muddo dheer kooxda ka maqnaan doono.