Real Madrid iyo La Liga ayaa ku dhawaaqay hadda inay tallaabo ka qaadi doonaan qofkasta oo ka dambeeyay fal cunsurnimo ah oo lagula kacay Lamine Yamal intii lagu jiray kulankii El Clasico ee xalay.
Bayaan kasoo baxay Real Madrid ayaa lagu yiri” nagama tirsa oo nama matali karo qof ku dhaqmaya xiligaan cunsurnimo, mana taageeri doonto kooxda falalka la xiriira jinsi naceybka, waxaana sameyn doonaa talaabo kasta si aan u ciqaabno qof kaata oo falkaas ka dambeeyay.
“Real Madrid waxay si cad u cambaaraynaysaa nooc kasta oo la xiriora midab-takoor, nacayb ama rabshado dhaawici kara kubbadda cagta iyo ciyaaraha, waxaan raali galin ka bixineynaa aflagaadadii ay dhawr taageereyaal xalay u geysteen Yamal.
Real Madrid waxay furtay baaritaan si ay u hesho oo ay u ogaato dambiilayaasha aflagaadada kula kacay Yamal, waxaana marsiin doonaa ciqaab kasta oo ku haboon dambiga ay ku kaceen.
Sidookale Laliga Spain ayaa garab istaagay laacibka Barcelona Yamal, iyagoo ku baaqay in si deg deg loosoo gacan galiyo dadka dhibaatooyinka la xiriira jinsi naceybka ka sameynaya ciyaaraha.
Barcelona ayaa xalay ku garaacday 4-0 Real Madrid kulankii El Clasico, iyadoo Yamal uu dhaliyay mid ka mid ah goolasha Catalan ku burburisay Los Blancos.