Halyeyga Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa laga xayuubiyay xilkii safiirnimo ee uu kooxda lacagaha badan kaga qaadan jiray.
Shirkada Ineos oo maamusha qeyb kanid ah kooxada Manchester United ayaa isku dayaysa in hoos loo dhigo qarashka sanadlaha ee ka baxa kooxda.
Kooxda Sir Jim Ratcliffe ayaa soo afjartay shaqooyinkii gaarka ahaa ee Ferguson, oo ah tababarihii ugu guulaha badnaa kooxda.
Scotsh-ka waxa uu ka tagay shaqada tababarnimo 2013-kii waxa uuna noqday safiir iyo agaasime kamid ah kooxda, waxa uuna ku qaataa mushaar aad u badan.
Ineos waxa ay raadinaysaa in ay dhinto kharashaadka badan ee kooxda ka baxa, waxaana ay meesha ka saartay qeyb kamid ah mushaharka 82 jirkaan, ayuu yiri Adam Crafton oo ka tirsan The Athletic.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Ratcliffe uu Ferguson u sheegay in kooxdu ay doonayso inay dhimaan kharashaadka badan ee uu qaato, isla markaana aanay diyaar u ahayn inay sii wadaan lacagaha ay kusiinayaan safiirnimada. Taasoo ugu dambeyn la isku afgartay.
Ratcliffe, iyo shirkada Ineos, ayaa raadinayay inay dhimaan kharashaadka ku baxa Old Trafford ka dib markii uu iibsaday 27.7 boqolkiiba kooxda Premier League bishii Febraayo.
In kasta oo uu kaliya leeyahay qeyb kamid ah kooxda, haddana hawlaha guud isagaa wada tan iyo markii uu yimid.