Manchester United ayaa hadda xaqiijisay imaanshaha shanta tababare oo la shaqeyn doona macalinka cusub ee Ruben Amorim.
Carlos Fernandes, Jorge Vital, Adelio Candido, Emanuel Ferro iyo Paulo Barreira ayaa dhamaantood ka soo dhaqaaqay Sporting kuna wareegay United iyaga oo ku biiray liiska shaqaalaha tababarka ee kooxda Manchester United.
Carlos Farnandez
Caawiyaha koowaad
Fernandes ayaa lagu wadaa inuu noqdo gacanta midig ee Amorim, shaqada uu ka qabtay Sporting 29-sano jirkaan ayaa si weyn loo amaanay isagoo sidoo kale ka tirsanaa shaqaalihiisa naadiyadiisii hore ee Braga iyo Casa Pia.
JORGE VITAL
Tababaraha goolhayaha
Kahor inta uusan bilaabin shaqada Sporting 2020, Jorge iyo Ruben waxay ahaayeen saaxiibo kuwada shaqeeyay Braga ciyaaryahan ahaan iyo tababare labaduba.
Vital wuxuu u qaabilsanaan doonaa Man Utd qeybta goolhayaha, isagoo si dhow ula shaqeyn doona ninka lagu magcaabo Mawson.
ADELIO CANDIDO
Tababaraha kooxda koowaad (shaqadiisa waxay ku xiran tahay fiisaha UK)
Sida Fernandes, Candido wuxuu ka tirsanaa shaqaalihii hore ee Amorim ee Casa Pia, Braga iyo Sporting.
Shaqaalaysiinta 28-jirkaan ayaa weli ku xiran helitaanka fiisaha shaqada UK.
EMANUEL FERRO
Tababaraha kooxda koowaad
Ferro wuxuu ka soo shaqeeyay Benfica intii u dhaxaysay 2006 iyo 2009, markaas oo Amorim uu ahaa ciyaaryahan ka tirsan kooxda Lisbon.
PAULO BARREIRA
Tababaraha jirdhiska
Barreira ayaa ku laabtay UK isagoo horay ula soo shaqeeyay Arsenal iyo Liverpool, waxa uu sidoo kale ka soo shaqeeyay sacuudiga iyo Imaaraadka ka hor inta uusan ku biirin shaqaalihii Ruben ee Sporting 2020.
Qof kasta oo United ayaa soo dhaweynaya shaqaalaha cusub ee Adelio, Carlos, Emanuel, Jorge iyo Paulo ayaa lagu yiri bayaan goordhaw kasoo baxay Man Utd.