Manchester United ayaa go’aansatay inay iska fasaxdo Flop-ka qaaliga ah ee Antony, iyadoo warbixin ay soo saartay shaaca kaga qaaday in ciyaaryahanka garabka ka ciyaara uu marka hore kaga tagi karo Old Trafford amaah.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, Man Utd ayaa rajeyneysa inay ku dhawaad 40 milyan ginni ku iibiso Anthony xagaaga soo aadan.
Horay waxaa loo sheegay in Brazilian-ka uu ugu dhaqaaqi karo kooxda kaliya 25 milyan oo ginni, laakiin hadda waxay u muuqataa in Red Devils aysan diyaar u ahayn inay aqbasho lacagta intaas le’eg.
Waqtigii Ole Gunnar Solskjaer uu maamulayay Red Devils, kooxda ayaa Antony ku qiimeesay 25 milyan ginni. laakiin markii Erik ten Hag uu u yimid, wuxuu ku adkaystay inay bixiyaan maamulka wax kasta oo lacag ah oo lagama maarmaan ah si ay heshiis ula gaaraan Ajax oo uu katirsan ciyaaryahanka.
Manchester United ayaa 82 milyan oo ginni ku iibsatay Antony, laakiin ku biiristiisii kooxda ugu guulaha badan Premier League ma noqon sidii la filayay.
Daily Mail ayaa sheegtay in Man Utd ay dooneyso inay amaah ku bixiso bisha Janaayo ciyaaryahanka, kadibma si joogta ah loogu iibiyo qiimo jaban.