Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xaqiijisay in uu ka dhaawacmay difaac kale oo liiska difaacyahannada ka maqan ka dhigaysa afar difaac, taas oo sii kordhinaysa madax-xanuunka haysta tababare Carlo Ancelotti.
Difaaca midig ee reer Spain ee Lucas Vaquez ayaa ku biiray liiska dhaawacyada Real Madrid, kaddib markii ay waxyeello kasoo gaadhay muruqa isaga oo tababarka la qaadanaya ciyaartoyda kooxdiisa, waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo saddex toddobaad ah.
Vazquez oo ay da’diisu tahay 32 jir oo si joogto ah ugu soo bilaabanayay difaaca midig ee Real Madrid bishii December ee uu dhaawaca ku maqnaa Dani Carvajal, waxa uu seegi doonaa ciyaarta Copa del Rey ee Sabtida ee Arandina iyo sidoo kale tartanka Spanish Super Cup oo waddanka Sucuudiga ay Semi-finalka kula ciyaari doonaan Atletico Madrid, iyagoo haddii ay soo guuleystaana finalka la dheeli doona Barcelona iyo Osasuna midkooda soo badiya.
Sida ay warbaahinta Spain sheegtay, Lucas Vazquez ayaa la filayaa in uu garoomada kusoo laaban doono ciyaarta ay kooxdiisa Real Madrid safarka ugu tegi doono Las Palmas 28ka January.
Real Madrid oo ay hore uga dhaawacnaayeen Eder Militao iyo Dani Carvajal oo xilli-ciyaareedka oo dhan maqnaanaya iyo Ferland Mendy ayaa waxa ay kaliya hadda haysataa Dani Carvajal oo hadda kasoo laabtay dhaawac, Feran Garcia, Antonio Rudiger iyo Nacho Fernandez.