Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xaqiijisay inay ku guuleysatay diiwaangelinta xiddiga weerarka ah ee Vitor Roque oo ay kala soo wareegtay kooxda reer Brazil ee Athletico Paranaense oo uu wacdaro kasoo dhigay xilli-ciyaareedkii u dambeeyey.
Barcelona ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay, in horyaalka LaLiga uu u diiwaangeliyey Vitor Roque, sidaasna uu diyaar ugu noqonayo inuu kulankiisii ugu horreeyey u ciyaaro Barcelona caawa oo ay marti u yihiin Las Palmas.
Arrintan ayaa ka dhigan in uu meesha ka baxay walaac badan oo Barcelona ka haystay inay awoodayso inay diiwaangeliso Roque oo ah weeraryahan dilaa ah oo dadka qaarkood ay ku tilmaamaan inuu leeyahay sifooyinka halyeygii Brazil ee Ronaldo Nazario.
Dhibaatooyinka dhaqaale ee haysta Barcelona ayaa ahaa caqabadda walaaca ku haysay Barcelona, laakiin waxa ka caawiyey in loo diiwaangeliyo dhaqaalahooda oo woxoogaa sare usoo kacay.
In Roque uu diyaar u noqdo ciyaarta Las Palmas waxay farxad weyn u tahay tababare Xavi Hernandez oo kooxdiisu ay la dhibaatoonaysay dhaliye la’aan, isla markaana Robert Lewandowski, Raphinha iyo Joao Felix iyo Ferran Torres ay ku adkaatay dhalinta goolashu.