Manchester United ayaa diyaarisay qiimo dhan 40 milyan oo ginni oo ay ku doonayso xiddiga garabka uga ciyaara ee Marcus Rashford oo bixi kara suuqa January.
Dhawaan ayaa la shaaciyay in Rashford, oo todobaadkii Man Utd ka qaata £325,000 uu ka mid yahay xiddigaha kooxda ka tagi kara 2025, iyadoo milkiilayaasha cusub ee INEOS ay raadinayaan inay dhaqaale ka sameyeen iibinta xiddigaha aan muhiimka u aheyn kooxda.
Rashford ayaa marar badan lala xiriirinayay inuu ka tagayo United, waxaana si joogto ah ay u dalbaneysay kooxdiisa qiimo dhan 100 milyan ginni, laakiin hadda Red Devils ayaa sidii hore kasoo dabacday.
Daily Mail ayaa sheegtay in qiimihiisu hoos ugu dhacay kaliya £40m sabab la xiriirta qaab ciyaareedkiis oo liita.
Mushaarka sarre ee xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa ku qasbaya United inay iibiso Rashford oo 18-kii bilood ee la soo dhaafay hoos u dhac weyn sameeyay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta rajo yar oo gudaha Old Trafford ka jirto taasoo ah in ciyaaryahanka uusan bixi doonin suuqa January.
Dhinaca kale saraakiisha Man Utd ayaa wali doonaya inay sii heystaan Amad Diallo, Matthijs de Ligt, Bruno Fernandes, Noussair Mazraoui iyo Manuel Ugarte, halka Antony, Casemiro, Mason Mount iyo Luke Shaw la iibin karo haddii lagu helo qiimo sax ah.