Ilo-wareedyo badan ayaa kalsooni ku qaba in halyeeyga Raphael Varane uu go’aansaday inuu ku biiro kooxda ku cusub Seria A ee Como si uu xor uga noqdo Manchester United.
Daafaca ayaa kaliya 31 jirsaday bishii April waxaana uu wali haystaa fursado badan uu ku kubada cagta kadib toban sano oo uu joogay Real Madrid ka dibna saddex sano oo uu joogay Old Trafford.
Waxa uu booqday Como si uu u barto magaalada, una arko xarumaha tababarka, islamarkaana uu la kulmo agaasimayaasha iyo tababare Cesc Fabregas.
Varane ayaa qaatay dhawr maalmood si uu uga fikiro oo uu kala hadlo xaalada qoyskiisa, isagoo sidoo kale qiimeeyay soo jeedinta kale ee Saudi Pro League iyo MLS.
Roma ayaa sidoo kale xiisaynaysay inay keento Serie A-da.
Varane ayaa hadda bixiyay jawaabtiisa wuxuuna doortay inuu ku biiro Como.
Waxa ay noqon doontaa heshiis wakhti gaaban ah, laakiin waxa uu khibradiisa balaadhan ku shaafin doona kooxda xagaagii ka soo dalacday Serie B.
Heshiiskiisa ayaa lagu dhawaaqi doona saacadaha soo aadan.
Como ayaa sidoo kale ku dhow inay gacanta ku dhigto goolhayihii hore ee Roma Pau Lopez, oo amaah ku jooga iyadoo ikhtiyaar ay uga iibsan karaan Olympique Marseille.