Xiddiga garabka ka ciyaara ee Arsenal, Raheem Sterling, ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga bisha January, inkastoo uu ku dhibaatoonayo inuu saameyn muuqata ku yeesho kooxda.
Sterling, oo 30 sano jir ah, ayaa ku soo biiray Arsenal isaga oo amaah kaga yimid Chelsea bishii August, laakiin tan iyo markaas wuxuu ku guuldareystay inuu si joogto ah uga dhex muuqdo shaxda tababare Mikel Arteta.
Weeraryahanka ayaa illaa haatan u saftay kooxda 10 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay hal gool iyo labo caawin, taasoo keentay in wax la iska weydiiyo mustaqbalkiisa Emirates Stadium. Waxaa xusid mudan inuu kaydka ka maqnaa saddexdii kulan ee ugu dambeysay ee Arsenal ciyaartay tartamada kala duwan.
Sida laga soo xigtay wargeyska The London Standard, Sterling ayaa go’aansaday inuu sii joogo Arsenal, isagoo aan qorsheynin inuu soo afjaro heshiiska amaahda ah ee uu kula joogo kooxda bisha January. Warbixintu waxay intaas ku dartay in ciyaaryahanka uu doonayo inuu dib u helo booskiisa shaxda Arteta isla markaana uu u dagaallamo fursadihiisa.
Arsenal ayaa wajahaysa xilli ciyaareed adag oo ay ku loolamayaan tartamada sare ee Premier League, waxaana la arki doonaa haddii Sterling uu kaalin weyn ka qaadan karo qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.