Lionel Messi ayaa raaligelin ka helay daafaca reer Paraguay Omar Alderete.waxaa farriin furan loo diray kabtanka Argentina kaddib ciyaar adag oo keentay in Messi uu garsooraha ku tilmaamo “fulay”.
Omar Alderete oo ka tirsan xulka Paraguay ayaa raaligelin u diray Lionel Messi kaddib markii xiddiga Argentina lagu tuuray dhalo intii lagu jiray kulankoodii isreeb-reebka Koobka Adduunka.
Boggiisa Instagram, Alderete ayaa u qoray Messi sidatan:
“Leo Messi, waxaan rabaa inaan kaa raaligeliyo falkii nasiib darrada ahaa ee qof ka tirsan dalkeyga kugula kacay markii lagugu tuuray dhalo. Adigu waxaad tahay halyey ay malaayiin qof jecel yihiin halkan iyo caalamka oo dhan.
“Waxaan si aad ah uga xunnahay falkaas aan ixtiraamka lahayn ee aan matalin jacaylka iyo qaddarinta aan kuu qabno.”
Kabtanka Argentina ayaa markale garoomada soo geli doona marka xulkiisa Argentina ay la ciyaaraan Peru bisha Nofeembar 19, iyagoo raadinaya inay kasoo kabsadaan guuldarrooyinkooda saddexda kulan ee xiriirka ah.