Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa qarka u saaran in uu ka burburo qorshahoodii ahaa in suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ay si xor ah ula soo wareegaan xiddiga reer France ee Kylian Mbappe, iyaga oo bisha January lasii gaadhaya heshiis hordhac ah.
Mbappe oo ah ciyaartoyga loogu hadal-haynta badan yahay suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January, ayaa si weyn loola xidhiidhayaa kooxda reer Spain ee Real Madrid, iyadoo qandaraaskiisa PSG uu ku egyahay June 30, 2024.
Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa dedaal badan ku bixinaya sidii uu Mbappe u noqon lahaa ciyaartoy Real Madrid ah, laakiin waxa niyad-jab ku riday laacibkan oo Arbacadii saxaafadda u sheegay in aanu wali go’aan ka gaadhin mustaqbalkiisa.
Sida uu qoray wargeyska Le Parisien ee kasoo baxa waddanka Faransiiska, PSG ayaa dhinaceeda dedaal badan ugu jirta sidii ay usii haysan lahayd Mbappe, waxaanay mar horeba miiska u saareen heshiis cusub oo ka dhigaya ciyaartoyga ugu lacagta badan qaaradda Yurub oo dhan, waxaana uu dhawr jeer ka badan yahay mushaharka ay Real Madrid u bandhigayso.
Real Madrid oo ka doonaysa Mbappe inuu go’aankiisa u caddeeyo badhtamaha bishan January, ayaa uu warku sheegay in hadda ay u jeedsan doonto dhinaca weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland oo qandaraaskiisa lagu burburin karayo 180 milyan oo Gini marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda.