Markii Lionel Messi uu yaraa, wuxuu ahaa wiil ku riyoon jiray inuu noqdo ciyaaryahan kubbadda cagta ciyaara, maalin maalmaha kamid ah, wuxuu fadhiistay kursi iyo miis dhinac ka yaalay qolkiisa yar ee jiifka,wuxuu soo qaatay warqad iyo qalin, wuxuuna bilaabay inuu u qoro gabar yar oo dariskooda aheyd.
Warqadda uu wiilka yar u qoray gabadha yar, waxaa ku jirtay jumlad sidan u qorneyd: “Maalin maalmaha ka mid ah, waan is guursan doonnaa.”
Sheeko jacayl oo mudan in filim laga sameeyo!
Leonel Messi, oo ah ciyaaryahan xirfadle ah oo ku dhashay 1987 magaalada Rosario ee dalka Argentina. Iyo Antonela Rocuzzo, oo ah gabar qurux badan oo dhalatay 1986 ayaa qisada sheekadooda tahay mid mudan in qarniyo laga sheekeeyo.
Isbarashada ilmo yar oo qofna saadaal kasii bixin inay heerkaan nolosha ka gaari karaan ayaa ka dhacday guriga saaxiibkii Messi ee Lucas Scaglia.
Markii ugu horreysay ay kulmeen labada lamaane, Messi wuxuu ciyaarayay Game gacmeed, markii Antonella usoo dhawaatay oo ay waydiisay inay la ciyaari karto Messi aad ayuu u xishooday.
Waqtigaas, Messi wuxuu ahaa sagaal jir, Antonella iyaduna waa siddeed jir.
“Waa tuma?” Messi ayaa weydiiyay saaxiibkiisa. “Antonela ayaa la dhahaa waa ina adeerteey,” saaxiibka Messi ayaa ku jawaabay.
Laba maalmood oo ay wada kulmeen kaliya ilbiriqsiyo wuu ka jeesan waayay, inkastoo ay ahaayeen labada caruur waxay noqdeen saaxiibo, laakiin waqtigaas Messi wuxuu ogaa inuu doonayo kaliya inuu la joogo iyada oo uu wehel ka dhigto.
Intaa ka dib, Messi oo da’da yar ahaa wuxuu inta badan joogi jiray guriga saaxiibkiis Lucas, si uu ula kulmo saaxiibtiis. Sababtoo ah wuxuu ogaaday in gabadhaan yar ay noqon doonto lammaanihiisa mustaqbalka.
Labadan qalbi ee caruurta ahaa waxay noqdeen saaxiibo isku dhow, waxayna wada qaateen madadaalo badan. maalin maalmaha ka mid ah, noloshu way kala kaxaysay. Waxay ahayd 2000, markii Messi aabihiis, George Messi, uu go’aansaday inuu u safro Barcelona isaga iyo qoyskiisa.
Intaa ka dib, xiriirka ka dhexeeyay Messi iyo Antonela ayaa meesha ka baxay muddo. Waxa ay isku dayeen in ay xiriirkooda wataan, laakin aad uma fududayn, xiriirka ka dhexeeya labadooda waxa uu noqday mid sii yaraanaya.
Sannadkii 2005, saaxiibkii Antonela ayaa ku dhintay shil baabuur. Waqtigaas, Antonella waxay aheyd 17 jir oo kaliya, waxay dareemeysay murugo. Dhowr maalmood ma aysan aadin iskuul. Messi ayaa warkaas maqlay, wuxuuna isla markiiba u duulay Argentina si uu dhinaceeda u istaago, wuxuu isku dayay inuu u qalbi qaboojiyo.
Markaas ayay ahayd markii xiriirkoodu uu soo laabtay. Messi iyo Antonella waxay dareemeen farxad, midba kan kale wuu u farsanaa, laakiin waxay doorteen inaysan shaacin jacelkooda qalbiga dagay.
Wax yar ka dib, Messi wuxuu ku soo laabtay Barcelona, Antonella waxay sii wadatay iskuulkeeda.
Xiriir kale lama sameyn ilaa Messi uu gaaray 21 sano jir.
Dunida oo dhan waxay ogaadeen xiriirka labadaan shaqsi 2009. Wareysi, Messi uu bixiyay ayaa wax laga weydiiyay noloshiisa gaarka ah. Waxa uu sheegay in ay jirto gabar Argentin ku nool oo saaxiibtiis ah.
Inkastoo ciyaaryahanka ugu weyn kubada cagta uu yahay midka ay jeceshahay Antonella, hadana iyadu gabi ahaanba ma jecla kubada cagta. Waxay dareensan tahay in kubbadda cagta ay tahay mid caajis badan.
Messi ayaa dhowr wareysi oo uu bixiyay ku caddeeyay, in xaaskiisa ay ku daashay kubbadda cagta, Markii aan guriga ku soo noqdo oo aan dhaho laba gool ayaan dhaliyay ama saddexley,’ ma xiisayso iyada warkeyga.