Taageerayaasha Liverpool ayaa si la fahmi karay shaki ugu jiray ka hor imaanshaha Arne Slot, iyagoon u arkeyn macalin ku guuleysan kara kooxdooda.
Reds ayaa bixitaanka Jurgen Klopp kadib u arkeysay kooxda in aysan meel gaareyn.
Laakiin Premier League ayaa soo dhaweeyay tababaraha Dutch-ka ah, oo haatan rikooro aan xisaab laheyn u dhigay kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, shakigii laga qabay ayaa is rogay bilahii ugu horreeyay ee xukunkiisa cajiibka ah Slot.
Tababarihii hore ee Feyenoord ayaa si deg deg ah u cajab galiyay taageerayaasha Anfield, kaliya maahan shaqsiyadiisa degan ee kalsoonida leh, laakiin waxa uu muujiyay qaab ciyaareed heersare ah iyo bandhigyo guulo xiriir ah.
Liverpool ayaa si adag ugu jirta tartanka horyaalka Premier League, iyadoo aan la gaarin suuqa jilaalka oo ay xitaa ciyaartooy dheeri ah ka heli karaan.
46 jirkan ayaa haysta taageerayaal ku riyoonaya guushii labaad ee tartanka Premier League taraiikhda kooxdu ka gaarto kadib 2020.
Laakiin sidee buu Slot Liverpool hataan ula barbar dhigi karaa tii Klopp ee ku guulaystey horyaalka 2019/20?
booska horyaalka iyo dhibcooyinka
11 kulan oo la ciyaaray xilli ciyaareedka 2024/25 Premier League, wax wax walba Slot waa kaga fiican yahay Klopp. Reds ayaa ku fadhida hogaanka horyaalka iyagoo leh 28 dhibcood, kaliya waxay ku guuldareysteen inay badiyaan labo kulan.
Si kastaba ha ahaatee, Reds ayaa wax yar ka fiicnaatay kooxdii Klopp ka dib 11 kulan oo la ciyaaray intii lagu jiray ololahii ku guuleysiga horyaalka ee Klopp 2019/20.
Rikoorka weerarka iyo difaaca
Slot ayaa lagu ammaanay inuu keenay koontarool badan oo kooxda Liverpool heshay, Klopp Rikoorka difaac aad ayuu kaga hooseeyay tababaraha reer Holland oo halkaas ku helay xaqiiq kale oo lagu aamini karo, iyadoo lix gool kaliya laga dhaliyay 11 kulan oo Premier League ah.
Aaminsanaanta in Liverpool gadaal kasoo heshay qaab ciyaareed sarre xili ciyaareedkii 2019/20. ayaa taa bdelkeeda ku imaan karta Slot oo hoos u dhac sameyn kara dhamaadka xili ciyaareedka.