Tartanka Ballon d’Or ee 2024 ayaa qaatay kooras cusub iyadoo la soo gabagabeeyay Copa America 2024 iyo UEFA Euro 2024.
Iyadoo Spain iyo Argentina ay kor u qaadeen koobab caalami ah bishaan, ciyaartoy dhowr ah ayaa sameeyay dadaalkooda ku guuleysiga abaalmarinta sanadkan.
Spain ayaa ku riyaaqday xilli ciyaareed heer sare ah oo Euro 2024 ah, waxayna garaacday Italy, Germany, France iyo England iyagoo dhigay rikoodh ah inay markii afaraad ku guuleysteen tartanka Yurub.
La Roja ayaa sanadkan soo saartay jiil cusub oo ciyaartoy ah, balse magacyo yar ayaa uga soo bxay liiska musharixiinta Ballon d’Or.
Masraxa caalamiga ah Waxay ahayd dhawr toddobaad oo isku dhafan mid mashquul ah, iyadoo ay qiimeyn ku socotay ciyaartoyda sida Jude Bellingham, Vinicius Junior, iyo Kylian Mbappe.
Saddexda xiddig ayaa hogaaminayay shaxda Ballon d’Or ka hor inta aysan ciyaarin ciyaaraha caalamiga ah laakiin qaab ciyaareedoodii liitay ayaa keeni kara isbedel.
Jude iyo Vini , Labada ciyaaryahan ee Real Madrid ayaa weli ku jira tartanka abaalmarinta Ballon d’Or sababo la xiriira guulihii ay ka gaareen tartanka UEFA Champions League.
Kylian Mbappe ayaa ku guuldareystay inuu muujiyo bandhig heer sare ah oo tartanka UEFA Euro 2024 ah, waxaana uu u baahan doonaa inuu sameeyo mucjisooyin dhowr ah bilaha soo socda si uu ugu sii jiro tartanka.
Haddaba waa kuwee 5ta ciyaaryahan ee ugu cadcad Ballon d’Or ilaa iyo haatan.
5- Lautaro Martinez (Inter Milan/Argentina)
4- Dani Carvajal (Real Madrid/Spain)
3- Jude Bellingham (Real Madrid/England)
2- Rodri (Manchester City/Spain)
1- Vinicius Junior (Real Madrid/Brazil)