Kooxda kubadda cagta Manchester United waxa la filayaa in isbeddel badan uu ku dhaco xagaaga soo socda, iyadoo Sir Jim Ratcliffe uu ka shaqaynayo sidii ay kooxdu ugu soo laaban lahayd heerkii ay taagnayd ee ay dhamaan koobabka ku tartamaysay.
United oo ka maqnaan doonta tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedka dambe, waxa la sheegay in Sir Jim Ratcliffe uu go’aamiyey in naadiga laga caydhiyo tiro ciyaartooyo ah, waxaanu kaliya kalsooni ku qabaa saddexda ciyaartoy ee Kobbie Mainoo, Alejandro Garnacho iyo Rasmus Hojlund.
Warbaahinta waddanka Ingiriiska ayaa sheegaysa in ay u badan tahay in aanay kooxda ka tegi doonin Bruno Fernandes, Lisandro Martinez iyo Andre Onana, halka shuruudo lagu xidhayo bixitaanka Marcus Rashford.
Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga oo furmaya bisha June iyadoo uu socdo tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee bisha June ka bilaabmaya waddanka Germany.
Mason Mount oo amaah ugu maqan Getafe ayaa ugu horreeya ciyaartoyda la sheegay in ay Manchester United iibin doonto marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda, maadaama xiddigan ay kala dhinteen taageereyaasha kooxdaas oo ay ka hor yimaaddeen waqtigii lagu eedaynayey in uu kufsaday gabadh ay saaxiibbo ahaayeen.
Waxa kale oo liiska ku jira xiddigaha reer Brazil ee Antony iyo Casemiro, halka difaaca reer France ee Raphael Varane uu isaguna liiska ku jiro.
Waa kuwan liiska xiddigaha bixitaankooda lasii go’aamiyey
10. Christian Eriksen
9. Aaron Wan-Bissaka
8. Anthony Martial
7. Sofyan Amrabat
6. Raphael Varane
5. Marcus Rashford
4. Jadon Sancho
3. Casemiro
2. Antony
1. Mason Greenwood