Goolhayeyaashii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta, waxa ay qaar badan oo ka mid ah ka dheeleen horyaalka Premier League, gaar ahaan sannadihii 1990-meeyadii illaa laga soo gaadhayey 2020-meeyada hadda lagu jiro, waana muddada uu koboca iyo horumarka ugu badan sameeyey horyaalka kubadda cagta Ingiriiska ee Premier League.
Peter Schmeichel oo u ciyaari jiray Manchester United ayaa la isku raacay inuu ahaa goolhayaha ugu fiicnaa taariikhda horyaalka Premeir League, waxaana uu hoos u riixay Petr Cech oo cimrigiisa Premier League ku qaatay kooxaha Chelsea iyo Arsenal oo uu iskaga gudbay.
Waxa kaalinta saddexaad soo galay Edwin van der Sar oo u dheeli jiray xulka qaranka Netherlands iyo kooxda Manchester United, hase yeeshee si lama filaan ah waxa kaalinta afraad kusoo galay goolhayihii Arsenal iyo xulka qaranka England ee David Seaman ee ku ceeboobay Koobkii Adduunka 2002 oo Ronaldinho uu ka dhaliyey laad xor ahaa ciyaar Brazil iyo England ay dheeleen, waxaana uu goolkaasi ka saaray saaxadda kubadda cagta.
Allison Becker oo xulka qaranka Brazil iyo Liverpool u ciyaara, David De Gea oo ay koox la’aani ku dhacday markii ay fasaxday Manchester United xagaagii hore, Ederson oo ah goolhayaha koowaad ee Man City iyo goolhayihii Arsenal ee Jens Lehman ayaa iyaguna soo cidhiidhsaday kaalmaha shanaad illaa siddeedaad.
Halkan kaga bogo 20kii goolhaye ee ugu fiicnaa taariikhda Premier League | |
---|---|
No. | Magaca |
1 |
Peter Schmeichel
|
2 | Petr Cech |
3 |
Edwin van der Sar
|
4 | David Seaman |
5 | Alisson Becker |
6 | David De Gea |
7 | Ederson |
8 | Jens Lehmann |
9 | Shay Given |
10 | Brad Friedel |
11 | Joe Hart |
12 | David James |
13 |
Neville Southall
|
14 | Hugo Lloris |
15 | Pepe Reina |
16 | Nigel Martyn |
17 |
Thibaut Courtois
|
18 | Tim Howard |
19 |
Mark Schwarzer
|
20 |
Kasper Schmeichel
|