15ka difaac ee ugu wanaagsanaa taariikhda horyaalka Premier League ayaa la shaaciyey, waxaana figta sare fadhiya xiddigo Chelsea iyo Manchester United usoo dheelay, iyadoo Virgil van Dijk oo Axaddii kooxdiisa Liverpool ku hoggaamiyey Koobka Carabao Cup uu kaalinta saddexaad ku jiro.
Qiimayntan ayaa lagu salleeyey goolasha uu dhaliyey, tirada kulamada uu goolkiisa nadiifta ka dhigay, tirada goolasha uu caawiyey, koobabka uu kula guuleystay kooxdiisa iyo waqtiga uu isaga oo hoggaamiye muhiim ah uu naadigiisa u ciyaaray.
Kabtankii hore ee Chelsea ee John Terry ayaa noqday difaacii ugu wanaagsanaa taariikhda Premier League, waxaana uu ka horreeyaa Rio Ferdinand oo Manchester United ahaa oo kaalinta labaad galay, halka Virgil van Dijk uu difaacii saddexaad ee ugu fiicnaa taariikhda Premier League uu noqday.
Waxa kale oo liiskan ku jira halyeeyadii Arsenal, Manchester City iyo Nemanja Vicid oo iyaguna ku jira liiska 15ka difaac ee ugu fiicnaa taariikhda.
Halkan kaga bogo 15ka difaac ee ugu fiicnaa taariikhda Premier League
15. Kolo Toure
Kooxaha Premier League ee uu usoo ciyaaray: Arsenal, Manchester City, Liverpool
14. Jamie Carragher
Kooxaha Premier League ee uu usoo ciyaaray: Liverpool
13. Ledley King
Kooxaha Premier League ee uu usoo ciyaaray: Tottenham
12Marcel Desailly
Kooxaha Premier League ee uu usoo ciyaaray: Chelsea
11. Jaap Stam
Kooxaha Premier League ee uu usoo ciyaaray: Manchester United
10. Ricardo Carvalho
Kooxaha Premier League ee uu usoo ciyaaray: Chelsea
9. Gary Pallister
Kooxaha Premier League ee uu usoo ciyaaray: Manchester United, Middlesbrough
8. Steve Bruce
Kooxaha Premier League ee uu usoo ciyaaray: Manchester United
7. Sol Campbell
Kooxaha Premier League ee uu usoo ciyaaray: Tottenham, Arsenal, Portsmouth, Newcastle United
6. Nemanja Vidic
Kooxaha Premier League ee uu usoo ciyaaray: Manchester United
5. Vincent Kompany
Kooxaha Premier League ee uu usoo ciyaaray: Manchester City
4. Tony Adams
Kooxaha Premier League ee uu usoo ciyaaray: Arsenal
3. Virgil van Dijk
Kooxaha Premier League ee uu usoo ciyaaray: Southampton, Liverpool
2. Rio Ferdinand
Kooxaha Premier League ee uu usoo ciyaaray: West Ham United, Leeds United, Manchester United, QPR
1. John Terry
Kooxaha Premier League ee uu usoo ciyaaray: Chelsea