Kooxaha Napoli iyo Manchester United ayaa heshiis ka gaaray saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer Scotland McTominay.
Napoli ayaa la sheegay in heshiis 30 milyan euros ah oo u dhiganta (£25.4m) kula heshiisay Manchester United ciyaaryahanka khadka dhexe ee Scott McTominay.
Inkastoo shuruudaha shaqsiga ah weli la isku afgaranin oo McTominay uusan weli aqbalin u dhaqaaqista kooxda Serie A ee Talyaaniga, waa sanadkii labaad oo isku xigta oo United ay muujiso inay dooneyso inay iska iibiso ciyaaryahanka ka soo baxay akadeemiga.
Horaantii bishii August, United ayaa diiday dalab 20 milyan oo ginni ah oo ay Fulham ka gudbisay xiddiga heerka caalami ee dalka Scotland.
Xili ciyaareedkii hore 27 jirka McTominay ayaa iska diiday fursad uu ugu biiri karay West Ham.
McTominay wuxuu saftay 32 kulan oo Premier Leaque ah wuxuuna United u dhaliyay 7 gool xilli ciyaareedkii hore.
Waxa uu sidoo kale ku soo bilowday guushii finalka FA Cup ee ay ka qaadeen Manchester City.
Xilligan, waxa loo adeegsaday beddelka labadii kulan ee Premier League.
Tababare Erik ten Hag ayaa wali doonaya in uu xoojiyo kooxdiisa waxana uu suuqa ugu jira xiddig khad dhexe ah.
United ayaa xiiso weyn u qabta xiddiga reer Uruguay ee kooxda Paris St-Germain Manuel Ugarte laakiin ilaa haatan ma awoodo in ay heshiis la gaarto kooxda reer France.