Manchester United ayaa heshiis €50 milyan oo euro ah kula heshiisay Paris St-Germain ciyaaryahanka khadka dhexe ee Uruguay Manuel Ugarte.
Heshiiska ayaa sidoo kale waxaa ku jira suurtagalnimada 10 milyan oo euro oo lacago dheeri ah.
Waxaa suurtogal ah in Ugarte ay u duulo Manchester si uu tijaabada caafimaadka u maro.
Ugarte ayaa lala xiriirinayay United xagaagii oo dhan, waxaana uu haatan diyaar u yahay inuu u saxiixo kooxda ka dhisan Old Trafford, hal sano uun ka dib markii uu PSG kaga soo biiray Sporting Lisbon aduun dhan €60 milyan oo euro.
23 jirkaan ayaa u saftay 37 kulan kooxda Luis Enrique, oo ay ku jiraan 25 kulan oo horyaalka ah iyadoo PSG ay ku guuleysatay horyaalkeedii 12aad ee Ligue 1.
Hadii uu heshiiska u dhaco sidii la filayay, Ugarte ayaa noqon doona saxiixii shanaad ee Man United xagaagan waxana ay guud ahaan kharashkooda suuqa uu noqon doona in ka badan 190 milyan oo gini.
Xiddiga ayaa la filaya inuu qeyb uu ka ahaado kulanka axada ee Liverpool.
Man United ayaa rajeyneysa in Ugarte uu la tababarto saaxiibadiisa cusub dhamaadka isbuucaan, taasoo ka dhigeysa inuu ku lug yeesho kulanka Arne Slot.
Si kastaba ha ahaatee, waxay noqon doontaa wax lala yaabo in la arko Ugarte oo si toos ah ugu soo bilowdo, isagoo kulankiisa ugu horeya u safan doona kooxda bedelkeedana laga yaabo inuu kursiga keydka ka soo kaco kulanka Axada ee Old Trafford.