Benfica iyo Paris Saint-Germain ayaa weli u socda wadahadalada ku aadan xiddiga reer Portugal ee Joao Neves ka dib markii ciyaaryahanka uu go’aansaday inuu doonayo inuu ku biiro kooxda Faransiiska halkii uu u wareegi lahaa Manchester United.
Labada kooxood ayaa la sheegay inay soo gudbiyeen dalabyo ku kacaya 60 milyan oo Yuuro toddobaadyadii la soo dhaafay, soo jeedintaas oo ay si degdeg ah u diiday kooxda reer Portugal.
Si kastaba ha ahaatee, PSG ayaa tan iyo markaas soo bandhigtay 70 milyan oo Yuuro oo ay ku jiraan lacago dheeraad ah, taasoo la rumeysan yahay inay ku dhowdahay tirada ay Benfica dalbaneyso.
Inkasta oo uu xiddigan ku dhawaaday in uu u dhaqaaqo Old Trafford, Neves ayaa lagu soo waramayaa in uu doortay u dhaqaaqista garoonka Parc des Princes, kadib markii uu Luis Enrique kala hadlay doorka uu ku leeyahay kooxda.
United ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay ka baxdo heshiiska, iyadoo u aragta inay lumiyeen saxiixiisa, maadama xiddiga uu heshiis la gaaray PSG.