Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa weerar ku qaadaysa Arsenal oo ay ka doonayso xiddig laf-dhabar ah oo ay u aragto inuu beddel fiican u yahay weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo dhamaadka xilli-ciyaareedka si xor ah ugu wareegi doona.
Kylian Mbappe ayaa mar horeba ku wargeliyey naadigiisa inuu ka tegi doono marka uu dhamaado qandaraaskiisa hadda, waxaanay maamulka kooxdu ka shaqaynayaan sidii ay beddelkiisa u heli lahaayeen.
Bishii hore ayaa la arkay Mbappe oo la kulmaya madaxweynaha waddanka Faransiiska oo isku dayey inuu ku qanciyo inuu sii joogo PSG, laakiin laacibkan oo laba sannadood ka hor uu Madaxweynuhu ka joojiyey inuu ka tago Paris Saint-Germain ayaa doorkan u sheegay in la gaadhay waqitigii uu bixi lahaa.
Sida uu qoray wargeyska Marca, qoyska Kylian Mbappe ayaa waxa ay hadda guri ka raadsanayaan magaalada Madrid, halka tababare Luis Enrique uu isaguna ka shaqaynayo inuu isku sii dubba-rito xiddigaha uu mustaqbalka iska garab dheelsiin doono, sida Randal Kolo Muani, Nordi Mukiele iyo Ousmane Dembele.
Si kastaba ha ahaatee, PSG ayaa waxa ay doonaysaa in Bukayo Saka ay kusoo kordhiyo safkeeda, si uu u noqdo garabka midig ee weerarka, isla markaana dhinaca bidix la geeyo Ousmane Dembele.
Paris Saint-Germain ayaa waxa ay u diyaarisay hawlgalka 22 jirka Arsenal lacag dhan €140 milyan oo Gini.