Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa shaaciyey jadwalka kulamada soo socda, waxaana xaalad madax-xanuun ah gelaysa Liverpool oo lix maalmood gudahood ku ciyaaraysa saddex kulan oo adag.
Tababare Jurgen Klopp oo marar hore saxaafadda u sheegay in aanu la dhacsanayn jadwalka iyo qaabka Premier League uu u go’aamiyo xilliga la ciyaarayo, ayaa waxa mar kale uu kooxdiisa diyaarin doonaa waqti duhurnimo ah oo ay saacadda UK tahay 12:30pm, iyadoo waliba ah maalin Sabti ah, waana ciyaarta ay safarka ugu tegayaan kooxda Everton.
Kaddib markii ay guul-darraysatay ciyaartii wareegga siddeedda FA Cup ee Manchester United, Liverpool ayaa awoodda saari doonta horyaalka Premier League, waxase dhibaato ku noqon doona jadwalka cidhiidhiga ah.
Maalinta Axadda ah ee ay taariikhdu tahay April 21, ayay Liverpool la ciyaari doontaa Fulham marka ay saacaddu tahay 4:30pm waqtiga UK iyadoo ciyaartanna uu baahinayo telefishanka Sky Sports, waxaana ugu xigi doona safar ay ugu tegayso Everton oo ay garoonka Goodison Park ku booqan doonto maalinta Arbacada ah ee April 24 marka ay saacaddu tahay 8pm waqtiga UK.
Iyadoo aanay ciyaartoyda Liverpool nasanin ayaa waxa ay haddana Sabtida 27ka April ay safar ku tegi doonaan magaalada London oo ay marti ugu noqon doonaan West Ham waqti ay saacaddu tahay 12:30pm waqtiga UK, waxaana xilligaas ciyaartan u go’aamiyey telefishanka TNT Sports ee iska leh baahintiisa.
Kooxaha kale ee la tartamaya Liverpool ee Arsenal iyo Manchester City ma laha jadwal sidan u cidhiidhi ah, waxaana Gunners ay saddex ciyaarood ku dheeli doontaa siddeed maalmood iyadoo Sabtida Arpil 20 la ballansan Wolves.
Kulamada Premier League ee isbeddelka lagu sameeyey waqtigooda:
Sabti 20 April 2024
Luton v Brentford
Sheffield United v Burnley
19:30: Wolves v Arsenal (Sky Sports)
Axad 21 April 2024
13:30: Everton v Nottingham Forest (Sky Sports)
Aston Villa v Bournemouth*
Crystal Palace v West Ham*
16:00: Fulham v Liverpool (Sky Sports)
Waa la beddeli karaa waqtiga kulamada ay ka horreyso calaamadda (*)
Salaasa 23 April 2024
20:00: Arsenal v Chelsea (TNT Sports)
(Waa ciyaartii hore loo dhigay ee waqtigii wareegga lixaad ee FA Cup)
Arbaca 24 April 2024
19:45: Wolves v Bournemouth
20:00: Crystal Palace v Newcastle
20:00: Everton v Liverpool (Sky Sports)* – Waa la beddeli doonaa waqtiga haddii isla maalintan laga dhigo kulanka Brighton vs Man City
20:00: Man Utd v Sheffield United
(Dhamaan waa kulamadii u baaqday wareeggii lixaad ee FA Cup )
Khamiis 25 April 2024
20:00: Brighton v Manchester City (Sky Sports)*
(Waa ciyaartii hore loo dhigay ee waqtigii wareegga lixaad ee FA Cup)
Sabti 27 April 2024
12:30: West Ham v Liverpool (TNT Sports)
(Ciyaartan waxa loo riixi doonaa 14:00pm oo ah Axadda 28ka April haddii Arsenal ay ciyaarayso Sabtida sabab la xidhiidha Champions League oo ay dheelayaan Salaasada 30 April)
Fulham v Crystal Palace
Man Utd v Burnley
Newcastle v Sheffield United
Wolves v Luton
17:30: Everton v Brentford (Sky Sports)
20:00: Aston Villa v Chelsea (TNT Sports)
Axad 28 April 2024
14:00: Bournemouth v Brighton
14:00: Tottenham v Arsenal (Sky Sports)
16:30 Nottingham Forest v Manchester City (Sky Sports)