Premier League ayaa shaaciyey garsooraha qaban doona ciyaarta adag ee Manchester City iyo Arsenal ee Axadda, taas oo si weyn ay indhaha ugu hayaan taageereyaasha xiiseeya kubadda cagta maadaama natiijadeedu ay saamayn doonto hoggaanka horyaalka.
Pep Guardiola ayaa la sheegay in uu durba ka cadhaysan yahay garsooraha loo magacaabay ciyaartan oo ka dhici doonta garoonka Etihad Stadium.
Horyaalka Premier League oo ay toban ciyaarood ka hadhsan yihiin, ayaa waxa Arsenal ay doonaysaa inay libin ka gaadho City oo hadda ay hal dhibic ka horreyso iyadoo Gunners haysata 64 dhibcood oo ay isku mid yihiin Liverpool, halka Man City ay leedahay 63 dhibcood.
City oo saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah ugu guuleysanaysay horyaalka Premier League ayaa waxa xilli-ciyaareedkan ay tartan adag kala kulmaysaa Arsenal iyo Liverpool oo min hal dhibic ka horreeya, waxaase walaac kusii abuuray Pep Guardiola garsooraha ciyaartan loo dhiibay.
Xidhiidhka garsooreyaasha Ingiriiska ee PGMOL ayaa shaaciyey, in ciyaarta Manchester City iyo Arsenal ee Axadda uu dhaxdhaxaadin doono Anthony Taylor oo ah 45 jir khibrad badan oo tan iyo sannadkii 2010 ka mid ahaa garsooreyaasha Premier League.
Taylor ayaa waxa uu ka mid ahaa laba garsoore oo Ingiriis ah oo ay FIFA ku dartay liiskii garsooreyaasha Koobkii Adduunka 2022.
Sidaas oo ay tahay, tababare Pep Guardiola ayaan jeclayn Anthony Taylor waxaana uu hore saxaafadda uga weeraray bishii December markii ay barbarro 3-3 ah ku kala baxeen Tottenham ciyaar muran dhalisay oo uu fursad dahabi ahayd ka joojiyey City oo uu garsooraha afraad ka ahaa.
Iyadoo dhamaadka ciyaarta ay ilbidhiqsiyo ka hadhsan yihiin ayaa waxa kubbad khadka dhexe ka helay Erling Haaland waxaana lagu galay qalad, balse kubadda ayaa waxa uu awooday inuu kubadda sii haysto isla markaana uu baas u dhiibo Jack Grealish oo kula baxay goolhayaha.
Simon Hooper oo ahaa garsooraha dhexe ayaa joojiyey ciyaarta, waxaanay taasi keentay buuq garoonka dhaxdiisa ah.
Taylor oo ahaa garsooraha afraad ayaa waxa kusoo orday Pep Guardiola oo cadhaysan, waxaana uu ka dalbaday inuu sharraxaad ka siiyo waxa dhacay amaba sababta loo joojiyey kubaddaas, balse Taylor ayaan wax sharraxaad ah siinin Guardiola.
Telefishanka beIN Sports ayuu Pep Guardiola la hadlay ciyaartaas kaddib, waxaana uu yidhi: “Talyiyaha ciyaarta Anthony Taylor ayaa garanaya wax kasta oo dhacay, iimana sheegin wixii dhacay.”