Paul Pogba ayaa canaan kala dul dhacay Manchester United kadib go’aankii looga qaaday Sir Alex xilkii uu kooxda ka hayay ee safiirnimo.
Laacibka Juventus, Paul Pogba, ayaa soo bandhigay aragtidiisa ku saabsan go’aanka ceebta leh ee Manchester United ee ay kaga joojisay Sir Alex Ferguson doorkii safiirnimo ee uu ka hayay kooxda. Pogba, oo 31 jir ah, ayaa ka soo qalin-jebiyay akadeemiyada Old Trafford xilligii ugu dambeeyay Ferguson oo guulo badan ku hoggaaminayay kooxda, ka hor inta uusan ku biirin kooxda reer Turin sannadkii 2012.
Pogba wuxuu dib ugu soo laabtay garoonka Old Trafford, balse wuxuu mar kale isaga tagay 2022 isagoo aan qanacsaneyn. Inkastoo xirfaddiisa ciyaareed ee Manchester United aysan cajiib ahayn, xiddiga reer France ayaa ku adkaysanaya in Red Devils ay tahay inay u qirto Sir Alex tababaraha ugu guulaha badan taariikhda kooxda.
“Ma beddelayso waxa uu u qabtay kooxda?” ayuu yiri Pogba, sida uu ku soo waramayo Fabrizio Romano. “Waxa kaliya ee aan maqlayo waa in uusan mar dambe wax mushaar ah heli doonin. Sir Alex Ferguson weli wuxuu ahaan doonaa Sir Alex Ferguson. Wuxuu weligiis ku jiri doonaa taariikhda kooxda.”
Maamulka kooxda ayaa gaaray mid ka mid ah go’aannada ugu ixtiraam darran taariikhda kubadda cagta kadib markii ay si bahdil ah u ceyriyeen Sir Alex, ayadoo la sheegayo in la dhimayo dhaqaalaha ku baxa doorarka aan muhiimka u aheyn kooxda.
Intii uu 27 sano joogay Old Trafford, tababaraha caanka ah ee Scottish-ka ah ayaa ku hoggaamiyay Manchester United 13 horyaal oo Premier League ah, shan FA Cup, laba koob oo Champions League ah, iyo afar koob oo League Cup ah.
Tan iyo markii uu ka tegay 2013, Manchester United waxay la kulantay hoos u dhac weyn, iyadoo 11 sano aan horyaalka ku guuleysan. Mudadaas, waxay beddeleen shan tababare, iyagoo kaliya ku guuleystay saddex koob.