Mauricio Pochettino waa musharax u tartami kara shaqada macalinnimo ee USA ka dib markii uu ka tagay Chelsea.
Tani waxay imaaneysaa maalmo un kadib markii tababarihii hore ee Liverpool Jurgen Klopp uu diiday doorka xulalka.
Xulka qaranka ragga ee Maraykanka ayaa wali baadi goob ugu jira sidii ay u heli lahaayeen tababarahooda xiga kadib markii la ceyriyay Gregg Berhalter.
50 jirkaan ayaa la ceyriyay kadib markii xulka USA qaab naxdinta leh ku hareen heerka group-yada xilli ay martigelinayeen Copa America.
Booska bannaan ayaa loo baahan yahay in si dhaqso ah loo buuxiyo iyadoo Maraykanku uu si wadajir ah u martigelin doono Koobka Adduunka ee 2026ka ee ka dhacaya Mexico iyo Canada.
Hadda tababarihii hore ee Chelsea iyo Tottenham Pochettino ayaa loogu yeeray doorkan.
Pochettino ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu si muran leh uga tagay Chelsea ka dib markii uu ku hogaamiyay kaalinta lixaad ee Premier League.
Waxaa la rumeysan yahay in loo tixgaliyo inuu yahay musharraxa ugu habboon ee USA, kuwaas oo raadinaya Tababare da ‘yar, heer sare ah oo khibrad u leh la shaqeynta ciyaartoy heer caalami ah.
Klopp ayaa iska diiday xilka tababarnimo ee Mareykanka isbuucii hore.
Klopp ayaa qorsheynaya inuu ka nasto kubada cagta ka dib markii uu dhowr sano wajahay tartan adag oo horyaalka Premier League ah.
Pochettino ayaa tababare u soo noqday qaar ka mid ah xiddigaha ugu magaca weyn kubadda cagta, sida Kylian Mbappe, Neymar, Harry Kane, Cole Palmer iyo Thiago Silva.
Laakiin shaqadiisii ugu fiicneyd waxay timid markuu Spurs ku hogaamiyay finalkii ugu horeeyay abid ee Champions League.