Pochettino Oo Go’aan Ka Gaaray Kabtannimada Bruno Fernandes Ka Hor Kulanka Liverpool.

Tababaraha cusub ee kooxda Manchester United, Mauricio Pochettino, ayaa xaqiijiyay in Bruno Fernandes uu sii ahaan doono kabtanka kooxda.

Pochettino ayaa warbaahinta la hadlayay maanta(Jimce), ka hor kulankiisa ugu horreeya ee uu hoggaaminayo kooxda Red Devils.

United ayaa u safraysa Liverpool iyadoo fadhida kaalinta 18-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League.

Qaab-ciyaareedka liita ee kooxda ayaa keenay in shaqada laga cayriyo Michael Carrick, iyadoo 45 jirkan uu khilaaf dhex maray isaga iyo Fernandes ka hor inta uusan bixin.

Balse Pochettino ma doonayo inuu wax isbeddel ah ku sameeyo calaamadda kabtannimada.

Wuxuu yiri: “Bruno Fernandes waa kabtankeenna, waana ciyaaryahan aad u muhiim ah. Laakiin dhammaan ciyaartoydu waa muhiim, laga bilaabo kore ilaa hoose.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular