Inkastoo Uu Hal Gool Keliya Dhaliyay 12 Kulan: Michael Owen Oo Saadaaliyay Fursadaha Ballon d’Or Ee Vinicius Junior.

Michael Owen ayaa aaminsan in Vinicius Junior uu weli u tartami karo abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadka 2027, inkastoo uu xilli-ciyaareedkan si adag ku billowday qaab ciyaareed kiisa.

Isagoo la hadlayay shabakadda GOAL, weeraryahankii hore ee Madrid ayaa xiddigan reer Brazil ku tilmaamay “mid ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka” iyo “hibo naadir ah.”

Vinicius ayaa dhaliyay hal gool oo keliya 12 kulan oo uu u saftay kooxda reer Spain, balse wuxuu dib u helay gool-dhalintiisii markii uu shan gool ka dhaliyay laba kulan oo uu u ciyaaray xulka Brazil intii lagu jiray fasaxii ciyaaraha caalamiga ah ee bisha Nofeembar.

Owen ayaa sidoo kale ka digay in tababare Jose Mourinho uu kursiga keydka gelin karo 26 jirkan haddii uusan hagaajin qaab-ciyaareedkiisa. Vinicius ayaa kooxda Madrid kula jira qandaraas soconaya ilaa sanadka 2032.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular