Xiddiga Manchester City Phil Foden ayaa shaaciyay sababta shaqsiga ah ee ka danbeysa inuu maaliyada No.47 u xirto kooxda City.
Foden ayaa durba ka mid ah xiddigaha ay ku tashato kooxda Manchester City isagoo kula guuleystay shan Premier League, afar Carabao Cup, Champions League iyo FA Cup.
Laakiin inkastoo uu u dhaliyay 82 gool 263 kulan uu u saftay kooxda, Foden ayaa weli kooxda u xiran lambar qeyrul caadi ah. Inkastoo ciyaartoyda badankooda ay lambaro yar yar doortaan marka ay ka soo dalacaan akadeemiga, Foden wuxuu weli ku dhegan yahay lambarkiisii hore.
Foden ayaa sheegay in sababta uu u doortay No.47 inay tahay awoowgiis darteed kaasoo Man City si weyn u jeclaa.
Wuxuu yiri: “Marka aad tahay ciyaaryahan da’ yar doorasho badan uma heysato maaliyadaha kooxda” ayuu Foden u sheegay Daily Mail.
“Dhowr lambar ayaa la ii soo bandhigay, laakiin midkoodna micno iima sameynin oo aan ka aheyn 47.
“Waa da’dii uu awoowgeey jiray markii uu geeriyooday. Waan yaraa markii uu dhintay. Waxaan xusuustaa inaan la aaday Wales iyo safaro kale. Aabaheey ayaa ii sheegay inuu jeclaa inuu aniga kubad ila dheelo. Waxaan weydiiyay aabaheey haddii uu ku farxayo haddii an xirto lambarkaan. Wuxuu ii sheegay inay cajiib noqon doonto sidaasi darteed maaliyadaan ayaa doortay, waana jeclaaday tan iyo markaas.
“Waan isku shabadeeyay 47 haatan, waana maaliyad aan waligeey iska bedeli doonin. Waa wax fiican inaad taariikh ma guuraan ah yeelato. Waa lambar qariib ah oo aysan cid kale dooraneynin sidaasi darteed sannado ka dib markaan ciyaaraha ka fariistol, waxaana doonayaa in 47 lagu soo xusuusto Foden.”