Xiddiga reer England ee Phil Foden ayaa noqon doona ciyaartoyga ugu mushaharka badan taariikhda Britain, waxaana uu dhigi doonaa rikoodh ah ‘inuu yahay ciyaartoyga mushaharka ugu badan ka qaata kubadda cagta’ ee dhalasho ahaan kasoo jeeda Britain.
Manchester City ayaa lagu soo warramayaa inay heshiis cusub oo lacag badan xambaarsan u bandhigtay Phil Foden, si ay meesha uga saarto in ay kooxaha waaweyn ee Yurub soo hungureeyaan.
Foden oo ay da’diisu tahay 24 jir oo dhowaan ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee Premier League iyo ciyaartoygii ugu fiicnaa ee FWA, ayaa waxa waqtigan uu mushahar u qaataa £200,000 Gini toddobaadkii, balse waxa uu laba-jibbaar ka mushahar yar yahay Kevin De Bruyne oo mushaharkiisu yahay £400,000 Gini toddobaadkii.
Manchester City ayaa waxa ay laacibkan u bandhigtay heshiis cusub oo kordhinaya waqtiga uu ku sugnaan doono Etihad Stadium iyo mushaharkiisaba, waxaana toddobaadkii la siin doonaa lacag dhan £375,000 Gini, sidaasna waxa ay isku mid ku noqon doonaan Erling Haaland oo isagu dheeraan doono gunnooyin kala duwan oo ay Man City siiso.
Heshiiska cusub ee Phil Foden ayaa socon doona illaa sannadka 2030, waqtigaas oo ay da’diisu noqon doonto 30 jir.