Pep Guardiola ayaa saadaaliyay fursad aad u yar oo ay Manchester City ugu soo bixi karto wareega 16-ka Champions League ka hor kulankooda lugta labaad ee Real Madrid toddobaadkan.
Labadan kooxood oo ah kuwa ugu waa weyn Yurub ayaan si wanaagsan uga soo bixin heerka guruubyada, waxaana ay isku heleen wareega play-off-ka ee isreebreebka.
Lugtii hore ee ka dhacday Manchester waxay ahayd mid aad u xamaasad badan, iyadoo Madrid ay dhalisay laba gool oo daqiiqadihii ugu dambeeyay ah si ay guul 3-2 ah uga qaadato kulanka.
City labo jeer ayay hoggaanka lumisay, taasoo sababtay xaalad adag ka hor inta aysan u safrin caasimadda Spain ee Madrid, Arbacada.
Inkasta oo laga yaabo in uu wax badan buunbuuninayo, Guardiola waxa uu si cad u sheegay in kooxdiisu ay wajahayso loolan adag oo ay kala kulmayaan kooxda Carlo Ancelotti.
“Fursadda aan ugu guuleysan karno Bernabeu xilligan, qof walba wuu ogyahay, haddii aad wax ka weydiiso ciyaarta ka hor, boqolkiiba fursadda aan u leenahay inaan u gudubno, ma garanayo, waxaan u malaynayaa 1%, aad bay u yar tahay,” ayuu yiri Guardiola.
“Laakiin inta aan fursad yar haysano, waan isku dayi doonnaa, taasi waa hubaal.”
Guardiola waxaa ka maqnaa Ruben Dias iyo Nathan Ake kulankii Premier League ee ay ka badiyeen Newcastle Sabtidii, balse waxa uu sheegay in labadooduba ay dib ugu soo laaban karaan kulanka Madrid, halka Manuel Akanji uu ka maqnaan doono.
“Waxaan rajeynayaa sidaas,” ayuu yiri isagoo ka hadlayay Dias iyo Ake. “[Sabtidii], Ruben wuxuu yiri diyaar ma ahi ‘Ma awoodo inaan ciyaaro 90 daqiiqo, balse waxaan kursiga keydka ku heynay Vitor [Reis], ma dooneynin inaan halis galino, sidoo kale Nathan wuu xanuunsanayay kaddib kulankii Madrid, sidaas darteed labadooduba diyaar uma ahan ciyaarta.”